Haqabtirenews.com
FALANQEYN: Real Madrid vs Valencia – Lson Blancos oo dooneysa in ay cadaadis kusii heyso Hogaaamiyaasha + xogta Kulankaan.
May 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Real Madrid ayaa dooneysa in ay kordhiso rikoorkeeda guul oo 11 kulan ah, marka ay marti qaadayaan caawa Valencia , waxaana ay doonayan in cadaadiska kusii hayaan Barcelona iyo Atletico Madrid, kuwaasoo hal dhibic ka sareeeya.

Los Blancos ayaa kujirta kaalinta 3 ee horyaalka, iyadoo 84 dhibcood heshay 36 kulan oo ay ciyaartay, waxa ay hal dhibic ka danbeeyaan labada koox ee Barcelona iyo Atletico Madrid.

Zidane kooxdiisa ayaa haartay Finalka UCL markii labaad muddo saddex sano ah markii ay dhafeen kooxda”Manchester City”oo ka dhisan Premier League ciyaartii ka dhacday Bernebeu Arbacadii,

Valencia ayaa dhanka kale, ah kooxda seddexaad ee ugu fiican La Liga, iyadoo 5 kulan ee ugu danbeysay natiijo fiican uruursatay.10 dhibcood ayay heleen 5 kulan ee ugu danbeysay, waxaana 5 dhibcood ka dambeeyaan Atletico Madrid iyo Real Madrid dhanka guulaha.

Valencia oo fadhida booska 9aad ee kala sareynta horyaalka waxa ay leeyihiin 44 dhibcood 36 kulan oo ay ciyaareen.

ISBARBAARDHIGGA

Real Madrid ayaa haatan kujirta 10 kulan oo isku xigta oo guulo Horyaalka ah.

Real Madrid ayaa badisay 4 ka mid ah 5 ciyaarta ee ugu danbeysay, iyagoo dhaliyay 18, gool.

Valencia ayaa badisay laba kamid ah 5 kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen,

Maxaa ka cusub Real Madrid?

Zidane wuxuu jayaa weyn kara markale Karim Benzema, Casemiro, oo seegay kulankii Champions League kooxda bartamihii todobaadkii hore ciyaartay.

Nacho Fernandez ayaa ganaax ku maqan, iyadoo Ronaldo uu ku soo bilowan doono kulankaan.

Real Madrid Line-Up :(4-3-3) Navas: Carvajal, Pepe, Danilo, Marcelo: Kroos, James, Modric: Vazquez, Ronaldo, Jese.

Maxaa ka cusub Valencia? Valencia waxaa ka maqan garabka amaahda ah ee”Denis Cheryshev” oo dhawac muruqa ah qaba,

Valencia Line-Up (4-3-3) Alves: Siqueira, Santos, Mustafi, Barragan: Parejo, Perez, Fuego: Rodrigo, Alcacer, Mina.

La Liga

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News