Haqabtirenews.com
Faaqidaada kulanka Liverpool vs Watford, Reds-ka Maka Aar Gudan Doontaa Kooxdan Ay Garookooda Ku Soo Dhawaynayaan?
May 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Markii ay gaadhay  finalkii Europa League xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa dareenkeeda u waycisay Premier League gaar ahaan kulanka axada marka ay marti galinayaan kooxda Watford. Afarta sare  raja kama laha Reds, iyagoo iminka booska sideedaad ee horyaalka fadhiya.

Kulanka: Liverpool vs Watford

Garoonka: Anfield

Saacada Geeska Afrika: 6:00 Maqribnimo

Wararka labada Koox

Klopp ayaa qirtay inuu dhowr isbedel ku sameeyo kooxdiisa ka dib markii guushii  ka dhanka aheyd Villarreal habeenkii khamiista.

Simon Mignolet waa in uu ceshto booskiisa goolka, laakiin meelo kale oo waxaa jiri doona isbedel lagu sameynaayo, Christian Benteke ayaa Sturridge ka garab  ciyaaray daqiiqad kasta labadii kulan ee ugu danbeysay Liverpool  usbuucii la soo dhaafay.

Jordan Henderson, Divock Origi iyo Danny Ings ma ciyaari doono laakiin dhaawacyo ka soo laaban doono ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Watford, Dhanka kale, waxa ay noqon kartaa mid aan is bedel ku sameey  kooxda ka dib kulankii ay isbuucii hore guusha ka gaareen Villa.

Allan Nyom iyo Nathan Ake ayaa dib loogu yeeri doono, laakiin Etienne Capoue  weli waxa uu qabaa dhaawac  jilibka ah.

thumb_10395_default_news_size_5

Ma ogtahay?

Kulankii hore ee December ayaa ka mid ah waxyaabaha muuqda ee xilli ciyaareedkan Watford sameysay iyadoo  ku dardartay 3-0 guul ah naadiga Reds waana abid guushii ugu weynaa ay ka gaaraan Liverpool.

Liverpool  ayaa ku lug leh 63 gool oo Premier League ah sanadan 2016, halka  Watford ayaa soo saartay goolasha ugu yar ee sanadkan (34).

Shaxaha Macquulka ah ee Labada Koox:

Liverpool: Mignolet, Randall, Lucas, Skrtel, Moreno, Allen, Stewart, Ojo, Firmino, Ibe; Benteke

Watford: Gomes; Paredes, Britos, Cathcart, Anya; Abdi, Suarez, Watson, Jurado; Deeney, Ighalo

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News