Haqabtirenews.com
CHAMPIONS OF ENGALAND:Leicester City Oo King Power Stadium Ku Dubatay Everton, Jamie Vardy Oo Ganaaxii Uu Ka Soo Laabtay Laba Gool Iskaga Maydhay Iyo Foxes Oo Koobka Premier Leaque-ga Gacanta Loo Galiyay.
May 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kooxda Leicester City ayaa guul kale ka gaadhay Everton si ay isku raacsato farxadeeda ay ugu dabaal degayso koobka Premier Leaque-ga oo King Power Stadium yaalay intii ay ciyaartu socotay. Leicester City ayaa guushan ku gaadhay laba gool uu dhaliyay Jamie Vardy halka goolka kale uu raacsaday Andy King halka goolka calanka uu Everton udhaliyay  Kevin Mirallas.Xafladaynta ayaa hadda ka bilaabtay garoonka King Power Stadium waxaana laysku diyaarinayaa in koobka la gudoonsiiyo kooxda Leicester City

Kooxda todobaadkii hore xaqiijisatay koobka horyaalka Ingiriiska ee Leicester City ayaa King Power Stadium ku soo dhawaysay kooxda Everton, wuxuuna kulankani ahaa kulan khaas ah oo  oo Leicester City lagu gudoonsiinayay koobka Premier Leaque-ga.

Xafladaynta King Power Stadium ayaa hore ka bilaabatay waxaana joojin waayay roob xoogan oo garoonka si wayn uga da’yay, ciyaartoyda Everton ayaa safaf sharafeed u galay kooxda koobka horyaalka hanatay ee Leicester City waxayna xaaladu ahayd mid cajiib ah iyada oo garoonkana si aan caadi ahayn loo soo buux dhaafiyay. Jamie Vardy ayaa nasiib u yeeshay in uu ka soo laabtay ganaax uu kulamadii ugu danbeeyay ku maqnaa wuxuuna markale ka soo muuqday shaxda Foxes.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LEICESTER CITY (4-4-2): Schmeichel; Simpson, Wasilewski, Morgan, Fuchs; Mahrez, Kante, King, Albrighton; Okazaki, Vardy.

KAYDKA:Amartey, Schlupp, Gray, Ulloa, Chilwell, Schwarzer, Inler.

EVERTON (4-2-3-1): Joel Robles; Oviedo, Pennington, Stones, Baines; McCarthy, Cleverley; Lennon, Barkley, Niasse; Lukaku.

KAYDKA: Mirallas, Besic, Osman, Howard, Connolly, Dowell.

Kooxda koobka horyaalka ku guulaystay ee Leicester City ayaan wax waqti ah iska lumin waxayna markiiba heshay goolkeeda furitaanka waxaana daqiiqadii 5 aad goolka King Power Stadium gilgilay dhaliyay Jamie Vardy kaas oo Jamie Vardy kaas oo ka soo laabashadiisa ganaaxa ugu dabaal degay goolka furitaanka Foxes, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Leicester City hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Kulankan ayaa ahaa kulankii 12 aad ee uu Jamie Vardy goolka furitaanka udhaliyay Leicester City, waana xidiga xili ciyaareedkan dhibcaha ugu badan koox u soo hooyay. Waxaan caawinta goolkan magiciisa ku qoray Andy King. Goolkan ayaa ciyaarta ka dhigay mid xamaasad badan isla markaana ay Leicester City ku sii wado wacdaraheeda xili cyaareedka.

DAQIIQADII 33 aad xafladaynta Leicester City ayaa sii laba jibaarantay kadib markii uu  Andy King uu kooxdiisa Foxes ukeenay goolka labaad kadib shaqo cajiib ah oo uu Riyad Mahrez ka soo qabtay dhinaca midig,  Andy King oo goolkii hore caawintiisa sameeyay ayaa kubbad Mahrez lagaga reebay xerada ganaaxa Everton si xoogan goolka ugu darebeeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Leicester City hogaanka ciyaarta ugu dheeraystay.

Goolkan labaad ayaa si buuxda Leicester City maamulka ciyaarta ugu gacan galiyay waxayna bilawday in ay raadiso goolal kale balse fursado fiican oo ay heshay difaaca Everton ayaa si dhib ah isaga badbaadiyay. Waxay u muuqatay in qaab ciyaareedka Leicester City uu qayb wayn ka ahaa fikirka fiican ee maskaxdooda ku jiray oo ahaa xafladaynta iyo gudoomida koobka Premier Leaque-ga marka ay ciyaartu dhamaado.

Xidiga Premier Leaque-ga ugu fiican ee Riyad Mahrez ayaa soo badhigayay qaab ciyaareed indho sarcaad ah wuxuuna kubbada kala dhex baxayay afar ciyaartoy oo Everton ah, wuxuuna dhibaato joogta ah uu ku abuurayay difaaca Toffees, qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Leicester City hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Everton isku dayday in ay ciyaarta dib ugu soo laabto laakiin fursada ugu fiican Lukaku ayaan kooxdiisa uga faa’iidayn waxayna markale Leicester City ay bilawday in ay weeraro dhul gariir ah ku qaado goolka Everton.

DAQIIQADII 64 aad Leicester City ayaa heshay rekoodhe kadib markii uu Pennington uu qalad ku galay Jamie Vardy oo xerada ganaaxa Everton kubbada la soo galay, inkasta oo uu Vardy wax yar offside ku jiray haddana calanwadaha ayaan waxba tilmaamin garsooraha ayaana tilmaamay gool ku laad aan shaki lahayn maadaamo oo uu Pennington si cadaan ah dhinaca danbe ugaga joogsaday Vardy.

Jamie Vardy ayaa kubbada qaatay wuxuuna si xoogan ugu darbeeyay goolka Everton wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee Leicester City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Foxes ku xaaqayso kooxda martida ahayd ee Everton.

Jamie Vardy ayaa xili ciyaareedkan noqday ciyaartoyga isku darka goolasha iyo gool caawinta ugu badan ku caawiyay koox premier Leaque-ga ka tirsan. 30 gool oo Leicester City dhashatay ayuu gacan ka gaystay 24 gool isaga ayaa dhaliya halka uu 6 gool caawineed ka sameeyay.

Markale daqiiqadii 71 aad Leicester City ayaa markale loo dhigay rekoodhe kale kadib markii uu  Darron Gibson uu wax kala doorasho ah u diiday garsooraha wuxuuna qalad ku galay Schlupp markale Jamie Vardy ayaa helay fursad uu ku dhamaysan karo saddexley laakiin markan kubbada ayuu cirka u diray wuxuuna iska lumiyay fursad uu ku dheeraysan karay gool dhalintiisa xili ciyaareedka ee premier Leaque-ga.

Liecester City ayaa xili ciyaareedkan hehsay 13 rekoodhe marka laga reebo Crystal Palace oo xili ciyaareedkii 2004/05 heshay rekoodhayaal inta ka badan mooyee ma jirto koox  saddexaad oo hal xili ciyaareed lagu abaal mariyay rekoodhayaal sidan u badan. Sidoo kale Liecester City ayaa afar rekoodhe ku heshay Everton xili ciyaareedkan, mana jirto koox kale oo rekoodhayaal afar ah hal koox oo kaliya ku heshay hal xili ciyaareed.

Daqiiqadii 88 aad Kevin Mirallas ayaa goolka calanka u keenay kooxda martida ahayd ee Everton si uu shabaqa nadiifta ah ugu diido goolhaye Schmeichel, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Leicester City hogaanka wali ugu raaxaysanayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay Leicester City ugu awood sheegatay Everton isla markaana ay isku raacsaday farxadeeda xafladayneed ee koobka Premier leaque-ga.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News