Haqabtirenews.com
Allah Haw Naxariistee Wariye Sharmaarke Oday Ayaa Ku Geeriyooday Shil Naxdin Badan Oo Ay Ku Geeriyoodeen 7 ruux.
May 8, 2016 - Written by admin
">

Alle how naxaristee waxa goor dhowayd Geriyoday Shil gaadhi ka dhacay duleedka magalada burco wariye sharmaake cismaan axmed (Oday) Oo ka mid ahaa wariyasha ka howl gala magalada burco,

Shilkani gaadhi oo ka dhacay Jidka u Dhaxeeya Degmada Qoyta iyo Tuulada Kala Sharka ayaa waxa ku geriyoday Todoba Qof halka ay sidoo kalana shirkaasi gaadhi ka badbaday Gabadh yar oo Todobada Bilood Jirtay,

Wariye Sharmaake cismaan axmed ayaa ku geriyoday cisbitalka guud burco waxaana dhakhatiirta cisbitalkaasi ay muddo sacado ah ay la tacalayeen Xaalada wariyahaasi balse mudo sacado kooban ah ayuu geriyoday wariyahaasi,

Shilkani gaadhi ayaa waxa sabab u ahaa ka dib markii ay is galeen Laba Gaadhi Oo Noocodu kala ahaa Gadhiga loo Yaqaani Taxi iyo Gaadhi Booyad ah.

Inaa ilahayhi waa inaa ilayhi raajucuun dhamaanba howlwadenada shabakadda caalamiga ah hadhwanaagnews waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan guud ahaanba qoyskii iyo qarabadii ay ka Geriyodeen Todobadasi Ruux Ee ku Geriyoday Shilkaasi Gaadhi.

 

COMMENTS
Latest News