Haqabtirenews.com
WARBIXIN: Kabtanka Leicester City Ee Wes Morgan Oo Noqon Doona Kabtankii 13 Aad Ee Koobka Premier Leaque-ga Sare U Qaada, Kabtanadee Uga Soo Horeeyay?
May 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xidiga heer caalami ee xulka qaranka Jamaica isla markaana ah kabtanka Leicester City ee Wes Morgan ayaa noqon doona kabtankii 13 aad ee koobka Premier Leaque-ga sare u qaada marka ay caawa fiidkii kooxdiisa Foxes gudoonto koobka Premier Leaque-ga. Morgan ayaa koobka Premier Leaque-ga ku gudoomi doona King Power Stadium oo ay ka soo xaadiri doonto 32 kun oo taageero Leciester City ahi.12

Morgan ayaa raacay raadkii halyayo koobka premier Leaque-ga soo qaaday isla markaana waxa uu noqo doonaa difaacii dhexe ee lixaad taariikh wayn ku yeesha Premier Leaque-ga.Haddaba halkan kaga bogo dhamaan kabtanadii koobka Premier Leaque-ga soo gudoomay tan iyo xili ciyaareedkii ugu horeeyay ee horyaalka Ingiriiska loo bixiyay magaca Premier Leaque-ga.

Bryan Robson: Xili ciyaareedkii 1992-1993

Steve Bruce and Bryan Robson celebrate ending 26 years of hurt as Manchester United win the title
Steve Bruce iyo Bryan Robson ayaa u dabaal degaya koobkii Premier Leaque-ga ee xili ciyaareedkii 1992/93 kii iyaga oo soo gabagabeeyay 26 sano oo ay Man United dhibaato ku jirtay. Robson ayaa waayo ciyaareed oo layaableh ku soo qaatay Man United oo uu ka soo ciyaaray 13 xili ciyaareed.

Steve Bruce: Xili Ciyaareedyadii 1993-94, 1995-1996

Steve Bruce's first title success as Manchester United captain was in 1994, when they won the Double

Steve Bruce ayaa  isga oo kabtanka ah koobkiisii ugu horeeyay ee Premier Leaque-ga Man United kula guulaystay sanadkii 1994 kii                     

Tim Sherwood: Xili ciyaareedkii 1994-95

Kenny Dalglish and Tim Sherwood show off the Premier League title won in 1995

Kenny Dalglish iyo Tim Sherwood oo u dabaal degaya koobka Premier Leaque-ga ee xili ciyaareedkii 1994/95, waxaana kooxda Blackburn koobka u gudoomay kabtankoodii Sherwood halka kenny Daglish oo halyay Liverpool ahaa uu tababare u ahaa Blackburn.

Eric Cantona: xili ciyaareedkii 1996-1997

Eric Cantona's final game as a footballer was as captain of Premier League-winning Manchester United
Kulankii ugu danbeeyay ee Eric Cantona uu ciyaaro kubbad acagta waxa uu ahaa kabtanka Manchester United wuxuuna kooxda Red Devils la qaaday koobka. Man United ayaana ku guulaystay koobab badan oo Premier Leaque-ga ah. Dhamaadkii xili ciyaareedkan Cantona ayaa kubbada cagta ka fadhiistay.

 

                          Tony Adams: Xili ciyaareedyadii: 1997-1998, 2001-2002

Tony Adams and Ian Wright celebrate Premier League success with Arsenal in 1998
Tony Adams iyo Ian Wright oo u dabaal degaya koobka Premier League ee sanadki 1998

Kabtankii Arsenal ee Tony Adams ayaa ayaa markii saddexaad iyo afraad ku guulaystay koobka horyaalka Ingiriiska laaakiin laba koob oo ka mid ah waxa uu ku guulasytay intii aanu bixin magaca Premier Leaque-ga. Laakiin Adams ayaa sanadkii 1998 kii dhaliyay goolkii afraad ee ay Gunners ku xaaqday Everton si ay gacanta ugu dhigaan koobka Premier Leaque-ga. laakiin markale xili ciyaareedkii ugu danbeeyay ee Adams Guuners ayaa markale hantay koobka.

             

Roy Keane: Xili ciyaareedyadii: 1998-99, 1999-2000, 2000-01, 2002-03

Roy Keane won his final Premier League title as captain ahead of Arsenal, in 2003

Kabtankii Manchester United iyo xulka qaranka Ireland ee Roy Keane ayaa Man United la soo qaatay waqti dahabi ahaa waxayna Man United noqotay kooxdii afraad ee horyaalka Ingiriiska ku guulasytay saddex sano oo xidhiidh ah, waxaana ka mid ah ahaa sanadkii 1999 kii ay Man United saddexda koob ku wada guulaysatay. Laakiin ugu danbayn Roy Keane ayaa Old Traffrod ka baxay markii ay si xun iskugu dhaceen Sir Alex Ferguson                           

 

Patrick Vieira: Xili ciyaareedkii: 2003:04

Patrick Vieira and Thierry Henry celebrate winning the title after going the entire season undefeated
Patrick Vieira iyo Thierry Henry 

Kabtabka kaliya ee liiskan ku jira isla markaana premier Leaque-ga sare u qaaday isaga oo aan wax guuldaro ah dhadhamin ayaa ah kabtankii Arsenal ee Patrick Viera oo Arsenal koobka la qaaday sanadkii 2004 kii iyaga oo aan wax guuldaro ah arkin.

 

John Terry: Xili ciyaareedyadii 2004-05, 2005-06, 2009-10, 2014-15

John Terry and became only the second team to win back-to-back Premier League titles

Kabtanka Chelsea ee John Terry ayaa afar xili ciyaareed koobka Premier Leaque-ga dhagaha qabtay, waxayna Chelsea koobkeedii ugu horeeyay ee horyaalka Ingiriiska ay ay ku guulasytay sanadkii 2005 kii kadib muddo 50 sano ahayd oo ay ka maqnaayeen. Waxaana kabtankooda Terry sanadkaas loo doortay xidigii Premier Leaque-ga ugu fiicnaa.

                     Gary Neville: Xili Ciyaareedyadii 2006-2007, 2008-2009

Skipper Gary Nevill and vice-captain, Ryan Giggs, lift the Premier League trophy up high in 2007

Xili ciyaareedyadii 2006/07 iyo 2008/09 kabtankii Manchester United ee Gary Neville ayaa shayadiinta cas cas u gudoomay koobka premier Leaque-ga. Markii uu Roy Keane ka baxay Old Traffrod waxaa kabtanka Man United la wareegay Neville.

                         Ryan Giggs:  Xili Ciyaareedkii 2007-08

Ryan Giggs captains Manchester United to his tenth Premier League title in a memorable year

Ryan Giggs ayaa Manchester United kula guulaystay koobkoodoo tobnaad ee horyaalka Ingiriiska, markii uu dhaawac xumi soo gaadhay Gary Neville waxaa xilka kabtanka la wareegay Ryan Giggs oo hadda caawiye u ah Louis Van Gaal. Man United ayaa maalintii horyaalka ugu danbaysay koobka ka qaaday Chelsea. Giggs ayaa sido kale kabtan u ahaa Man United oo Chelsea ka qaaday koobka Champions Leaque-ga.

                         Nemanja Vidic: Xili ciyaareedyadii: 2010-11, 2012-13

Nemanaja Vidic skippered Manchester United to two titles — this the second in 2013
 

Kadib markii uu Ryan Giggs waynaaday isla markaana ay Rio Ferdinan dhawacyo dishoodeen, tababare Sir Alex Ferguson ayaa kabtanka Red Devils u gacan galiyay difaacii dhexe ee Nemanaja Vidic. Vidic ayaa Man United kula guulasytay koobkoodii taariikhiga ahaa ee 19 aad ee horyaalka Ingiriiska, laba sano kadib waxa uu la qaaday koobkoodii 20 aad ee horyaalka Ingiriiska.

                       Vincent Kompany: Xili ciyaareedyadii: 2011-12, 2013-14

Vincent Kompany with the Premier League title after their dramatic victory over QPR in 2012

Manchester City ayaa koobkoodii horyaalka Ingiriiska ugu horeeyay qaaday kadib 44 sano oo ay saaxada ka maqnaayeen waxaana koobka Premier Leaque-ga sare u qaaday kabtanka Sky Blues ee Vincent Kompany. Manchester City ayaa daqiiqadii ugu danbaysay garaacday QPR si Man United koobka uga qaado kadib markii uu Sergio Aguero dhaliyay goolka City koobka u gacan galiyay. Laba sano kadib Man City ayaa koobka premier Leaque-ga ka qaatay Liverpool.

Wes Morgan: xili ciyaareedka 2015/2016————-?

COMMENTS
Latest News