Haqabtirenews.com
SHEEKO CUSUB: Manuel Pellegrini oo musiibada ugu weyn in ay ku dhacdo Man City ka baqaya” xili ciyaareedkaan.
May 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Manuel Pellegrini ayaa qiray in ay noqon doonto musiibada ugu weyn” haddii uu ku guuldareysto inuu ku hogaamin waayo Manchester City usoo baxista Champions League ka hor inta uu ka tagin.

Pellegrini ayaa waxaa bedeli doona Pep Guardiola xagaagan ,waxaana uu damacsan yahay in si sharaf leh uu kaga tago kooxda iyadoo xitaa joogta Champions League.

Tababaraha City Pellegrini ayaa doonaya in xilka uu wareejiyo Manchester City oo afarta sare kamid ah seddex xilli ciyaareed oo Premier League uu ku sugnaa,

“Waxaan qabaa in taageerayaasha halkan oo ah England, iyo Premier League waxa ugu muhiimsan, ee ay ka fakiraan tahay Champions League,” ayuu yiri Pellegrini.

“Laakiin haddii aadan afarta sare ka tirsaneyn kama qeyb ahaan kartit Champions League sanadka soo socda,  si taas aan umuujinaa waa in dhamaanteen aan dagaalano ayuu hadalkiisa ku daray Manuel Pellegrini.

pel

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News