Haqabtirenews.com
Hordhac: Norwich v Man United – Red Devils Oo U Hanqaltaageysa Inay Kaalinta Afaraad Kala Baxdo Deriskooda Manchester City.
May 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Norwich City v Man United

Kulanka: Premier League

Garoonka: Carrow Road

Waqtiga: 2:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Craig Pawson (England)

Manchester United waxaa weli hunguri kaga jiraa booska kaalinta afaraad ee loogu soo baxo Champions League, waxaana ay rajeynayaan inay cadaadiska ku sii kordhiyaan kooxda deriskooda ah ee Manchester City kuwaasoo haatan booskaas ku jira.

Man City waxa ay leedahay 64 dhibcood waxaana ay berri kulan adag la ciyaareysaa kooxda Arsenal iyagoo haatan ciyaaray 36 kulan, kooxda Man United waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta shanaad waxaana ay leedahay 60 dhibcood balse iyagu waxa ay ciyaareen 35 kulan. Guul ay maanta ka gaaraan Norwich City ayaa ka dhigeysa inay hal dhibic u soo jirsadaan Man City iyadoo markaas ay labada kooxood min labo kulan u harsanaan doonto.

Waxa ay la ciyaarayaan kooxda Norwich City oo ku jirta booska kaalinta 19aad islamarkaana halis ugu jirta inay heerka labaad u laabtaan, waxa ay leeyihiin 31 dhibcood, waxaana ay booska badbaada u jiraan labo dhibcood iyadoo seddex kulan ay u harsan tahay.

prediksi-norwich-city-vs-manchester-united

MAXAA KA CUSUB?

Norwich ayaa go’aan xilli danbe ka gaari doonta Ryan Bennett, kaasoo la dhibtoonayay xumad waxaana uu ku seegay kulankii isbuucii hore ee Arsenal.

Kooxda Norwich ayaa waxaa mar kale ka maqan xiddigaha dhaawacan Timm Klose iyo Alexander Tettey.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Marouane Fellaini ayaa ganaax ah ka dib markii uu aqbalay dacwad lagu soo oogay oo la xiriirtay dagaal uu sameeyay kulankii Leicester City.

Xiddigaha muddada dheer maqnaa Luke Shaw iyo Bastian Schweinsteiger ayaa iyagana weli maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Norwich City (4-4-1-1): Ruddy; Pinto, Martin, Bassong, Olsson; Redmond, Howson, O’Neil, Brady; Hoolahan; Jerome.

Man United (4-2-3-1): De Gea; Rojo, Blind, Smalling, Darmain; Carrick, Schneiderlin; Martial, Rooney, Lingard; Rashford.

MA OGTAHAY?

  • Guul ay gaarto Norwich ayaa siin doonta inay markii ugu horeysay tan iyo 1989-90 ay Man United ka badiso labada kulan ee horyaalka ee xilli ciyaareedka.
  • Manchester United waligeed guuldarro kuma soo gaarin minan iyo marti iyagoo la ciyaaraya koox u soo dalacday Premier League.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News