Haqabtirenews.com
Hordhac: Leicester City v Everton – Kooxda Horyaalka Hanatay Oo Caawa Lagu Wareejinayo Koobka Premier League & Xaflada King Power Stadium Oo Marti Ay Ku Tahay Everton.
May 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Leicester City v Everton

Kulanka: Premier League

Garoonka: King Power Stadium

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Andre Marriner

Caawa King Power Stadium waxaa ka jirta mid ka mid ah xafladihii ugu weynaa ee taariikhda Premier League, kooxda Leicester City ayaa lagu wareejin doonaa markii ugu horeysay taariikhdooda koobka horyaalka Ingariiska oo ay ku guuleysteen habeenkii isniinta markii Tottenham ay barbaro kala kulantay kooxda Chelsea.

Tikidhada ciyaarta caawa lama heli karo marka laga reebo inaad si suuqmadow ah ku raadiso, shabakadaha qaarkood ayaa iibinaya tikidhkii SIDEED KUN GINNI, laakiin waxaa la sheegayaa in qeybta kooxda martida ah ee Everton in lagu heli karo 500 ginni inkastoo tirada la siiyay kooxda Everton ay yar tahay.

leicester-title-winners_3427259

MAXAA KA CUSUB?

Labada xiddig ee Leicester City Robert Huth iyo Danny Drinkwater ayaa ganaax kaga maqan kulanka ay u dabaaldegayaan hanashada horyaalka ee ay la ciyaarayaan caawa Everton.

Jamie Vardy ayaa diyaar ah ka dib markii uu soo dhameystay ganaax, halka Matty James uu sidoo kale ciyaari karo ka dib dhaawac jilibka ah uu la maqnaa muddo sannad ah.

Xiddigaha Everton ee Gareth Barry iyo Seamus Coleman ayay u badan tahay inay sii maqnaan doonaa ilaa iyo isbuuca danbe iyagoo weli qaba dhaawacyo gumaarka iyo muruqa ah.

Ramiro Funes Mori ayaa ganaax ku maqan, halka Gerard Deulofeu uu qabo dhaawac jilibka ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Leicester City (4-4-2): Schmeichel; Simpson, Morgan, Wasilewski, Fuchs; Mahrez, King, Kante, Schlupp; Okazaki, Vardy.

Everton (4-2-3-1): Robles; Baines, Pennington, Stones, Hibbert; Gibson, McCarthy; Cleverley, Barkley, Lennon; Lukaku.

MA OGTAHAY?

  • Waa kulankii 100aad ee horyaalka ee dhexmara labadaan kooxood. Everton ayaa 36 kulan badisay, Leicester City 31 kulan ayay badisay halka ay 32 kulan barbaro galeen.
  • Seddex iyo toban ka mid ah 19kii kulan ee ay isku wajaheen premier League waxa ay ku dhamaadeen barbaro, oo ay ku jirto shantii kulan ee ugu danbeysay ee garoonka Leicester.
Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News