Haqabtirenews.com
DHIBAATO: mustaqbalka Alexis Sanchez ee Arsenal oo shaki weyn uu kujiro kadib markii la shaaciyay inuusan la hadlin Macalin Wenger & xitaa Maamulka kooxda.
May 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

mustaqbalka muddada-dheer ee Arsenal Alexis Sanchez ayaa laga yaabaa inuu shaki kujiro,ka dib markii la shaaciyay in xiddigan uu ka xanaaqay bedelkii lagu sameeyay kulankii Emirates Stadium Gunners 1-0 kaga badiyeen Norwich.

Telegraph ayaa shegtay in Sanchez uu ka carooday Arsenal isbuucii u danbeyay ka dib markii daqiiqadii 84aad bedel loo taagay.

Sanchez ayaan gacan qaadin lana hadlin Wenger markii la bedelay iyo xitaa markii lagasii baxayay tunnel garoonka.

Weeraryahanka reer Chile ayaa keliya laba sano uga harsan tahay qandaraaskiisa afarta sanno ah ee uu u saxiixay markii uu uga soo biiray Barcelona 2014.

wenger

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News