Haqabtirenews.com
DAAWO: Luis Suarez, Lionel Messi, Geard Pique, Arda Turan Iyo Ter Stegen Oo Hab Muuqaal Cajiib Ah Ku Soo Badhigay Hanaanka Ciyaareed Ee Barcelona.
May 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xidigaha Barcelona ee  Luis Suarez, Marc-Andre ter Stegen, Gerard Pique, Lionel Messi iyo Arda Turan ayaa ka qayb qaatay noocyo badan oo tababar ah kaas oo ay ku soo badhigayeen hanaanka ciyaareed ee Barcelona. Xidigahan ayaa soo badhigay farsamooyin cajiib ah iyada oo waliba Pique uu talo u soo jeediyay da’yarta aduunka wuxuuna sharaaxaad ka bixiyay qaabka loo difaacdo.

Luis Suarez ayaa goolka galay waxaana dadka ka yaabsatay goolhaye Ter Stegen kaas oo muujiyay sida cajiibka ah ee ugu fiican yahay rekoodhe tuurista iyo waliba sida uu ugu fiican yahay laaga xorta ah. Laakiin Lionel Messi ayaa isaga si layaableh kubbada u maamulay kadib darbo dheer oo loo soo tuuray isaga oo waliba telefoon ku hadlayay.

Waxaa hawshan soo agaasintay shirkada ay Barcelona wada shaqaynta leeyihiin ee Beko, waxayna xidiga Barcelona sidoo kale soo badhigeen qaabka tabababarka oo si deg deg ah kubbada layskugu dhiibayo iyaga oo kubbada isku dhibaya iyaga oo sii jeeda, Halkan ka daawo muuqaalkaas iyo waxyaabihii lagu soo badhigay.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News