Haqabtirenews.com
Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Oo Sheegay In Uu Is-Casilaayo Kadib Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Madaxweyne Erdogan.
May 6, 2016 - Written by admin
">

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga kaga dhawaaqay inuu xilka iska casilaayo.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, ayaa wuxuu sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu sheegay in khilaafkoodu uu ka dhashay Madaxweynaha oo doonaaya in uu xoojiyo awoodda Madaxtooyada iyo wax ka bedel uu ku sameeyo Dastuurka Qaranka.

22-ka bishan, ayaa waxaa lagu wadaa in Xisbiga talada haaya ee AK uu shir deg deg ihi isugu yimaado, waxaana macquul ah in halkaasi uu kaga dhawaaqo is casilaadiisa.

Ahmet Davutoglu, ayaa maanta sheegay inaanu sii raadin doonin in dib loogu soo doorto Hogaamiyaha Xisbiga AK. Ninka hogaamiya Xisbiga ayaa noqda Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxweyne Erdogan oo ay Arbacadii is arkayn Ra’iisal Wasaarihiisa, ayaa waxaa la sheegay inaanay labaduba u suurtagelin inay xaliyaan khilaafkooda.

COMMENTS
Latest News