Haqabtirenews.com
Sedex Arin ka ogow Chelsea: Hazard oo go’aamiyay Mustaqbalkiisa & Higuain oo fariin usoo diray London.
May 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Weeraryahanka Kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa hoos udhigay wararka la xariirinaya inuu ku biirayo Real Madrid isagoo diyaar u ah inuu sii joogo kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Hazard ayaa markii hore doonayay in xili ciyaareedka uu ka tago kooxda kadib sanad adag oo soo wajahay.

Hase ahaatee markii tababare Antonio Conte loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea ayuu go’aansaday inuu sii joogo London.

Hazard ayaa dhaliyay goolkii bar bardhaca ee Tottenham, kaas oo isniintii lasoo dhaafay horyaalka Ingiriiska ugacan galiyay kooxda Tottenham.

Kooxaha Real Madrid iyo PSG ayaa la ogaanayaa iney si weyn udoonayeen saxiixa Eden Hazard hase ahaatee waa uu sii joogi doonaa.

Gonzalo Higuain oo dalab usoo diray Chelsea

Saxaafada Ingiriiska ayaa ogaaneysa in kooxda Chelsea ay talaabooyin yar ujirto saxiixa weeraryahanka Kooxda Napoli Gonzalo Higauin.

Weeraryahankan ayaa ku jira raadeera macalin Conte, hase ahaatee waxaa uu kaliya kooxdaas ku biri doonaa hadii uu noqonayo weeraryahanka koobaad ee Chelsea.

Diego Costa ayaa la ogaanayaa inuu kooxda ka tagi doono, taas oo fududeyn doonta in Higuain uu booskiisa kala wareego.

Chelsea ayaa dhanka kale diiday mushaar uu dalbaday dayarkeeda Dominic Solanke

Da’yarkaan ayaa la ogaanayaa inuu dalbanayo in todobaadkii mushaar ahaan loo siiyo £50,000 si uu usii joogo kooxda Blues.

Hase ahaatee Chelsea ayaa rajeyneysa inuu xili ciyaareedka danbe la tababarto da’yarta kooxda kadibna uu muujiyo inuu uqalmo kooxda koobaad.

Hadii heshiiskaas uu diido Chelsea ayaa rajeyneysa iney amaah kale ku bixiso xidigan da’yarta England uciyaara.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News