Haqabtirenews.com
Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions League, Fernando Francisco Reges Oo Kooxdiisa Man City Ku Reebay Cagtiisa Iyo San Siro Oo Martigelin Doonta Madrid Derby.
May 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Real Madrid sayaa iska xaadirsay ciyaar dhamaadka tartanka Champions league kaidb markii ay guul ka gaareen kooxda Man City kulankii caawa ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu Stadium ee magaalada Madrid.

Gool uu daqiiqadii 20aad ee ciyaarta uu iska dhaliyay ciyaariyahanka khadka dhexe ee kooxda Man City ee Fernando ayaa ugu filnaa Madrid iney iska xaadiriso ciyaar dhamaadka koobkaan.

Shaxihii Labada Koox:

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Modric, Kroos, Isco; Bale, Ronaldo, Jese.

Keydka:Varane, James, Casilla, Kovacic, Lucas, Danilo, Mayoral.

Manchester City:Hart; Sagna, Kompany, Otamendi, Clichy; Fernando, Fernandinho; Navas, Toure, De Bruyne; Aguero.

Keydka:Sterling, Caballero, Bony, Delph, Mangala, Iheanacho.

Real Madrid ayaa soo dhaweysay kooxda Manchester City si ay isaga soo saaraan kooxdii Atletico de Madrid kula ciyaari laheyd ciyaar dhamaadka Champions league garoonka San siro ee magaalada Milano iyadoo labada kooxba ay ciyaarta ku bilowdeeb weeraro isdaba joog ah iyadoo mid waliba ay raadineysay goolka koowaad ee ciyaartan.

Daqiiqadii Sagaalaad Ee Ciyaarta: Kabtanka Man City ee Vicent Kompany ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta kadib markii uu suulka iska dhaawac isaga wuxuuna markale firaaqeeyay garoonka kooxdiisa oo u baahan waxaana badalay daafaca ree France ee Eliaquim Mangala.

Kompany Injury

Daqiiqadii 14 aad ee ciyaarta ayuu Dani Carvajal baas fiican ka keenay garabka midig waxaana madaxa la helay Cristiano Ronaldo laakin kubadiisii ayaa martay burta dusheeda, markale daqiiqadii 18aad ee ciyaarta ayeey Real heshay fursad kale waxana kubad fiican abuuray Modric laakin dhameystirka ayaa dhib ku noqday kooxda Madrid.

DAQIIQADIII 20aad: Real Madrid ayaa la timid goolkeedii furitaanka ee ciyaarata waxaana si aan ula kac aheyn shabaqiisa kubada ugu hubsaday xidiga ree Brazil eeFernando Francisco Reges.

Bale Goal

Dani Carvajal ayaa kubad fiican siiyay Gareth Bale oo ku jiray xerada ganaaxa ee kooxda City, garabka Wales ayaana kubad xooga ku tuuray shabaqa goolhaye Hart, kubadii ayaana sii taabatay Fernando taasoo meel cirif ah ka galisay kubada shabaqa, goolka ayaa markii hore loo qoray Bale laakin mardanbe waxaa la qoray in Fernando uu iska dhaliyay.

1

Markale Hart ayaa geesinimo sameeyay markii uu banaanka u soo baxay feerna ku bixiyay laad xor ahaa uu Cristiano soo tuuray waxayna ciyaarta intii hore u muuqatay in Madrid ay leedahay, inkastoo City markeeda la soo baxday qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 36aad: Real ayaa la timid goolkeedii labaad ee ciyaarta kadib markii uu Toni Kroos si qurux badan u soo tuuray laad xor ahaa oo kooxdiisa loo dhigay waxaana kubadii kadib labo taabasho shabaqa ku hubsaday Pepe laakin calanwadaha ayaa tilmaamay iney tahay Offside, taaso ay ka doodeen ciyaartoyda Madrid.

Daqiiqadii 44aad:Fernandinho ayaa kubad cajiib aheyd ku helay kooxda Madrid kadib baas qurux badnaa uu ka helay Kevinn De Bryune laakin kubadiisii ayaa inyar u martay shabaqa goolhaye Keylor Navas, waxaana qeybtii koowaad lagu kala nastay 1-0 oo ay Madrid hogaanka ku heysay.

Xamaasada ciyaarta ayaa cirka isku shareertay qeybtii labaad ee ciyarta iyadoo Man City ay bilowday iney ku raaxeysato kubad heysi badan laakin daqiiqadii 52aad ee ciyaarta ayuu Gareth Bale kubad cajiib aheyd u soo karoosay Cristoano Ronaldo laakin weeraryahanka Portugal ayaa kubadii sidii la rabay u tuuri waayay taasoo keentay in Joe Hart uu ku raaxeysto.

SIDEE TAAS GOOL KU NOQON WEYSAY ! Otamendi ayaa si aan loo baahneyn u sameeyay qalad daafac oo aad u weyn kadib markii uu ka baxay xerada ganaaxa ee kooxdiisa si loogu dhigo Offside laaakin Luka Modric ayaa ka faa’ideystay taas wuxuuna si aan suurogal aheyn ugu badbaadiyay kubadii goolhaye Joe Hart si uu kooxdiisa ugu sii haayo ciyaarta.

DAQIIQADII 58aad: Markale Joe Hart ayaa u sheegay Cristiano in caawa uusan dhigi doonin wax rikoor ah wuxuuna markale ka sameeyay badbaadin cajiib ah kadib markii uu Ronaldo ka faa’ideystay kubad uu ka helay Modric.

Hart and Cr7

DAQIIQADII 64aad: Gareth Bale ayaa ku sigtay inuu hogaanka u dheereeyo kooxdiisa kadib markii uu madaxa la helay koorno uu soo tuuray Toni Kroos laakin kubadii ayaa birta ku dhacday, kadibna waxaa qabsaday Pepe oo karoos fiican soo qaaday laakin Cristiano oo ku jiray Offside ayaa kubadii gacmaha ku dhaliyay taasoo uu dirqi kaga badbaaday kaar digniin ahaa uu ku seegi lahaa finalka koobkaan.

Ronaldo Hands

DAQIIQADII 84aad: Kevin De Bryune ayaa si anaanimo ah kubad laad xor aheyd oo loo dhigay u tuuray wuxuuna mariisyay banaanka xerada ganaaxa ee kooxdiisa.

James Rodriguez oo badalay Isco ayaa helay labo fursadood kooxiisa uu hogaanka ugu dheereyn kara laakin labadii jeerba waxaa helay dib u dhac isagoo marna kubada gaari waayay daqiiqadii u danbeysay ee ciyaartana cagta ku boobsiin waayay kubad uu xabadka ku degsaday.

Ciyaarta ayaa ugu danbeyn ku dhamaatay gool iyo waxba ay guusha ku raacday Real Madrid kuwaasoo ciyaar dhamaadka koobkaan kula ciyaari Atletico de Madrid oo xalay Bayern kasoo gudubtay.

COMMENTS
Latest News