Haqabtirenews.com
Milkiilaha Leicester City Oo Hadiyado Qaali Ah Siinaya Xubin Kasta Oo Ka Mid Ah Kooxda Ranieri Ee Ku Guuleysatay Premier League.
May 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Geesiyaashii Leicester City u qaaday Premier League ayaa wadada u saaran inay hadiyado qiimo leh helaan isbuucyada soo socda.

Gudoomiyaha kooxda Vichai Srivaddhanaprabha ayaa lagu waramayaa inuu ciyaaryahan walba oo ku guuleystay horyaalka inuu hadiyad ahaan u siin doono gaari cusub.

Sida ay sheegeyso jariirada Daily Mail, bilyaneerka reer Thailand ayaa hadiyad ahaan u siin doona xubin kasta oo ka mid ah kooxda Ranieri hal gaari oo isku mid ah: Mercedes B-Class Electric Drive iyadoo caadiyan la iibiyo gaarigaas 32 kun ginni.

Waxaa sidoo kale jiray hadal ku saabsan in Srivaddhanaprabha oo ah ninka afaraad ee ugu qanisan Thailand inuu doonayo inuu ciyaartoydiisa u kaxeeyo Las Vegas xagaagan si ay ugu dabaaldegaan halkaas.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News