Haqabtirenews.com
FIFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Xulalka Qaramada Aduunka Ee Bishan May, Tobanka Xul Qaran Ee Ugu Sareeya Iyo Afarta Xul Qaran Ee Ugu Hooseeya Qiimayntan Ugu Danbaysay.
May 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay qiimaynta bilaha ah ee xulalka qaramada aduunka ee bishan May 2016, waxaana kaalinta kowaad  sii xejistay xulka qaranka Argentina oo kaalinta kowaad dib ula wareegay bishii hore ee April. Xulka qaranka Beligum ayaa isna kaalinta labaad ku fadhiya.

Xulalka qaramada aduunka ayaan wax kulamo ah ciyaarin tan iyo bishii March 2016 markaas oo ay ciyaareen kulamo tartamo iyo saaxiibtinimo iskugu jiray. Laakiin qiimayntii bishii April iyo bishan May ee xulalka qaramada aduunka tobankooda ugu sareeya ayayna waxba iska badalin.

Argentina have risen to the top of the FIFA world rankings after being knocked off by Belgium last November

 Xulka qaranka Chile ayaa kaalinta saddexaad soo ku jira waana kaalintii ugu saraysay ee ay abid soo galaan halka xulka qaranka England uu buuxiyay kaalinta tobanka xulalka qaramada aduunka ugu sareeya. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany ayaa ku jira kaalinta shanaad halka uu qiimayntii hore kaga jiray isla kaalinta shanaad waxaana booska afraad xidhay Colombia. Spain ayaa ku jirta kaalinta lixaad halka Uruguay ay sii xejisatay kaalinta sagaalad.

 Eric Dier (centre) is congratulated by his England team-mates after scoring the winner against Germany

COMMENTS
Latest News