Haqabtirenews.com
FALANQEYN: Liverpool vs Villarreal – Reds oo laga baqayo in ay kusoo laabato caawa Anfield + xogta kulanka.
May 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa ugta labaad ee horyaalka labaad ee Europa rajeynaysa in ay kasoo kbsato guuldaro 1-0 oo ay kala kulmeen Villarreal marka ay caawa kusoo dhaweynayaan garoonka Anfield.

Villarreal ayaa dhalisay goolka guusha daqiiqadii 92aadee gabagabada ciyaaarta, iyadoo rajeyneysa inay sii wado dadaalka ay ku gaari karto Finalka marka ay caawa booqato Anfield lugta labaad ee Semi finalka Europa League.

Europa League kooxdii ku guuleysataa xilli ciyaareedka soo socda waxay ciyaareysaa tartanka Champions League, Liverpool ayaana indhaha ku heysa in ay sameeyaan dadaalkii ugu dambeeyay oo ay ku qaadayaan koobkan.,

Kulanka: Liverpool vs Villareal

Saacada: 10:05 PM

livepool

ISBARBARDHIGGA

Villarreal ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku heysata Europa League, waxaan laga badinin 12 kulan ee ugu danbeyay.

Liverpool ayaa sidoo kale ku wanaagsan Europa League, ka sokow guuldaradii lugtii hore, loogama adkaan koobka Europa League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaan laga badinin 6 kulan ee ugu dambeeyay gurigeeda ku ciyaartay Europa League waxaana ay dhalisay mid kasta oo ka mid ah goolal.

Maxaa ka cusub Liverpool?

Jordan Henderson, Origi iyo Emre Can ayaa waxay ku maqan yihiin dhaawac, halka Sakho la ganaaxay ka dib markii baaritaan lagu darooga ah uu ku guuldareystay.

Danny Ings ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda, laakiin weli  taam shaansho rasmi ah ma ahan xilli ciyaareedkaan.

Liverpool Line-up: Mignolet, Clyne, Skrtel, Lovren, Moreno, Milner, Leiva, Allen, Coutinho, Firmino, Sturridge.

Maxaa ka cusub Villarreal?

Eric Bailly ayaa ka maqnaan doona kulankaan kasoo ka kabanaya dhaawac ka soo gaaray kulankii lugta hore. Inkastoo weeraryahanka 23-sano jirka ah ee Leo Baptistao isna uu la maqan yahay dhawac gumaarka ah.

Villarreal Line-up (4-4-2) Areola,Rukavinna, Musacchio, Bonera, Marin,Samuel, Rodrigo, Trigueros, Castillejo
Adrian, Soldado.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News