Haqabtirenews.com
Warbixin: Kadib Dhaawacyadii Karim Benzema Iyo Casemiro, Sidee Ayuu Zidane Ku Buuxin Karaa Boosaska Xidigahaan Muhiimka Ah Kulanka Caawa Ee Man CIty ?
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Real Madrid ayaa caawa waayeysa adeega xidigaheeda Karim Benzema iyo Casemiro kuwaasoo kulankaan ku seegaya dhaawacyo kubka iyo jilibka ah kala ah, hadaba siuduu Zidane u buuxin doonaa booska labadaaan xidig.

Waxaan halkaan ku eegeenaa dhan shan wado oo u furan in Zizu uu isticmaalo kulanka caawa si uu u buuxiyo boosaska no.6 iyo no.9 ee ay ka kala ciyaarayeen labadaan xidig anagoo soo qaadaneyno AS oo madrid kasoo baxda warbixin ay qortay.

1. Kroos oo badala Casemiro, kadibna caawinaad ka hela Modric iyo Isco halka uu afka hore ka ciyaarayo Cristiano oo ay garbaha ka taagan yihiin Lucaz Vazquez iyo Bale.

2. Kroos oo ka ciyaaraya no.6 oo ay Isco iyo Modric caawinayaan halka Jesse uu afka hore ka ciyaarayo garbahana ay joogaan Bale iyo Cristiano.

3. Kroos oo ka ciyaarya no.6 halka Kovavic iyo Modric ay caawinaad siinayaan, waxaana afka hore ka ciyaaraya isla Cristiano oo caawinaad ka helaya Vazquez iyo Bale.

4.Kroos, Isco iyo Modric oo khadka dhexe ah iyadoo James iyo Bale ay caawinayaan Cristiano oo weerarka dhexe ka ciyaaraya.

5.Pepe oo laga ciyaarsiiyo no.6 kadibna Kroos iyo Modric ay caawiyaan halka Lucaz Vazquez iyo Bale ay caawinayaan Cristiano Ronaldo oo no.9 ka ciyaaraya.

Zidane's 5 Ways

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News