Haqabtirenews.com
SAWIRRO: Chelsea Oo Bandhigtay Maaliyadeeda Cusub Ee Xilli Ciyaareedka Danbe Iyagoo Adeegsaday Xiddiga Diirada U Saaran Real Madrid Ee Eden Hazard.
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Chelsea ayaa soo bandhigtay maaliyadeeda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda ee 2016-17, waxaana ay u adeegsadeen soo bandhigista Eden Hazard.

Xiddiga reer Belgium ayaa wajahay xilli ciyaareed adag isagoo dhaliyay kaliya shan gool tartamada oo dhan sannad ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee PFA.

Hazard ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Stamford Bridge xagaagan iyadoo Real Madrid iyo tababarahooda Zinedine Zidanela ay xiiseynayaan.

Chelsea-1Chelsea-2kChelsea-kit3n

Laakiin talaabo ay meesha uga saarayaan wararka xanta ah Chelsea ayaa u dooratay xiddiga khadka dhexe inuu qeyb ka noqdo ciyaartoyda soo bandhigeysa maaliyadooda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda Blues oo caadiyan soo bandhigta maaliyadooda cusub ka hor kulankooda ugu danbeeya ee gurigooda ayaa saaka si toos ah ugu soo bandhigay bogooda Facebook.

Hazard waxaa kula biiray soo bandhigista maaliyada cusub Ruben Loftus-Cheek, maaliyada cusub ayaana ah sida looga bartay midigba buluuga iyadoo xariiqmo cadaan ah ay ku leedahay gacmaha iyo qoorta.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News