Haqabtirenews.com
Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Inuu Ku Fashilmay Kooxda Bayern Uuna Ka Soo Bixi Waayay Heerkii Laga Filayay ?
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Pep Guardiola ayaa yimid Bayern sadex sano la hor iyagoo ah kooxda daafacaneysa Champions league waxaana laga filayay inuu halkaas kasii wado guulihii uu la gaaray Barcelona iyo kuwii ay kooxda ree Bavaria ay si wadatay laakin taasi ayaan noqon sidii la rabay.

Bayern ayaa sadexda koob wada daafacaneysay xiligii uu ninkaan ree Spain qabtay shaqada kooxdaasi waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in kooxda ay kala hadashay wax badan ku guuleysiga Championse league, waxaana xili horeba imaanaya eedeymo ah inuu geeyay kooxda heer ka hooseeya midkii lagu yaqaanay isagoo sadexdii sano ee uu kooxda joogay sadex koox oo wadankiisa Spain kasoo jeeday l  eersaday wareega afar dhamaadka.

Hadaba isagoo ka hadlaya kooxdaan iyo inuusan ku fashilmim wuxuu yiri “Waxaan ku faanayaa waxa aan kooxdaan ka qabtay, waxaan u huray nafteyda waxaana ku dadaalnay inaan wax waliba sameyno, waan ka xumahay ma aanan tagin ciyaar dhamaadka Champions league laakin waan ku faraxsanahay waxa ay kooxdaan soo bandhigtay”.

Pep Guardiola

“Waxaan sameynay wax waliba laakin waxaa naga maqnaa kaliya gool, waxaan u ciyaarnay sidii aan rabnay iyo sidii uu qorshaha ahaa laakin taasi ma aysan naga caawin inaan guul gaarno caawa” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Josep Guardiola.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News