Haqabtirenews.com
Madaxa Kooxda Bayern Munich Ee Karl-Heinz Rummenigge Oo Tilmaamay In Kooxdiisa La Khiyaaneeyay, Hadaba Ayuu Eeda Ka Tirsanayaa ?
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Madaxa fulinta kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in kooxdiisa ay tabaneyso in khiyaano lagu sameeyay kulankii xalay ay guusha ka gaareen kooxda  Atletico Madrid laakin ay uga hareen Champions league.

Bayern ayaa guul sharafeed 2-1 ku martay Rojoblancos laakin taasi kama aysan caawin iney sii joogaan tartanka oo waa ay macsalaameeyeen laakin madaxa kooxdaasi ee Rummenigge ayaa qaba in natiijada ay si kale ahaan laheyd hadii uu garsooraha go’aano saxan qaadan lahaa gaar ahaan goolkii Antoine Griezmann ee soo saaray Atletico.

“Waxaan dareemeenaa in xoogaa la ina khiyaanay, goolkii Atletico wuxuu ahaa horumarto (Offside), qaladkii rigoorada (uu qsaariyay Fernando Torres) loogu dhigay wuxuu ahaa banaanka diilinta ganaaxa”.

“Garsooraha wuxuu maamulay labo kulan todobadii maalmood ee la soo dhaafay, ma ogi hadii kuwa UEFA ay kulamo badan maamuli karaan, wafdi ka socday UEFA ayaana ii sheegay iney ceeb aheyd wixii uu sameeyay”.

Karl-Heinz Rummenigge

Weeraryahanka kooxda hartay ee Thomas Muller ayaa habeenkii xalay ahaa ku tilmaamay habeen u xun Bayern inkastoo uu isaga qasaariyay gool ku laad ciyaarta kaga dhigi lahaa kooxdiisa 2-0 wuxuuna yiri “Kubada cagta mararka qaar waxay noqon kartaa wax waalan, waxaan sameynay waxyaabo badan oo saxan iyo waxyar oo qalad ah, murugo waxaa ah ineysan taasi nagu filnaan, ma aanan soo arkin habeeno badan oo sidaan u xanuun badan, niyad jabka wuu ku dhibayaa, aniga ahaan waxaan aad uga niyad jabsanahay in gool ku laad la iga qabtay”.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News