Haqabtirenews.com
LIVE SUUQA: Leicester oo ku garaacday Chelsea, Liverpool & Arsenal saxiixa weeraryahanka lagu qiimeeyo £20million.
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xiddiga JUVENTUS Simone Zaza ayaa Albaabka u furay inuu ku biiro kooxda dhawaan loo caleemo saaray horyaalka Premier League ee Leicester, sida ay sheegayaan wararka.

Xiddiga reer Italy ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo King Power Stadium xagaagan iyadoo Claudio Ranieri isku diyaarinayo inuu difaacdo Horyaalka Ingiriiska.

Zaza ayaa la filayaa inuu ka tago Turin ka dib markii kooxdiisa ka xulatay Mario Mandzukic, Paulo Dybala iyo Alvaro Morata ,

Tababaraha Italy Antonio Conte ayaa la rumeysan yahay inyy xiiseynayo Zaza oo uu ugu yeeray markii ugu horeysay ciyaaraha calamiga ah 2014,

weeraryahankaan 24-sano jir ah ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar yahay inuu la midoobo ninka ay isku dalka yihiin ee Ranieri oo ku doonaya £ 20million.

Simone Zaza

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News