Haqabtirenews.com
Kooxda Paris Saint Germain Oo Real Madrid Iyo Barcelona Ka Dooneysa Labo Kamid Ah Xidigaha Ugu Muhiimsan Ee Kooxahaas.
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kooxda Paris Saint Germain ayaa isku diyarineysa iney xagaaga lasoo wareegto labada weeraryahan ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ee Cristiano Ronaldo iyo Neymar Jr kuwaaso uu madaxweynaha kooxdaan Nasser Al Khaliefa uu aaminsan yahay iney kooxdiisa ka caawin karaan hanashada Champions league.

PSG ayaa aad ugu baahan hanashada tartanka ugu weyn qaarada yurub waxayna sameeyeen wax waliba si ay heer fiican uga gaaraan tartankaan laakin waxay ku dhiban yihiin iney gaaraann afar dhamaadka tartankaan iyadoo markale xili ciyaareekdaan ku haray gacmaha kooxda Man City.

Sida ay qoreyso Marca, PSG ayaa la xiriirtay wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes si ay ugala hadlaan suurogalnimada uu xidiga hogaamiya Madrid uu qaban karo shaqada weerar ee ay u baahan tahay kooxda Parc des Princess, xiriirka fiican ay la leeyihiin wakiilkaan ayaana keeni karta in Cr7 uu faarujiyo garoonka Santiago Bernabue inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu qandaraas ka u kordhin doono kooxdiisa.

cristiano-ronaldo-neymar

Sidoo kale kooxda ku fadhisa dhaqaalaha carabta ayaa diyaar u ah iney bixiso lacagta €193 milyan oo pound ee lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka ree Brazil ee Neymar Jr ee kooxda Barcelona.

Zlatan Ibrahimovic oo 34 sano jir ah ayaa xili ciyaareedkaan dhaliyay 44 gool tartamada oo dhan laakin wuxuu ku fashilmay inuu kooxdiisa ka caawiyo iney heer sare ka gaaraan Champions league isagoo qaab ciyaareed aan lagu qancin soo bandhigay labadii kulan ee wareega sideed dhamaadka ee tartankaan.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News