Haqabtirenews.com
HALYEEY RONALDO : Neymar Kama Tagidoono Barcelona.
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelona Ronaldo ayaa aminsan in Neymar uusan ka tegidoonin kooxda Barcelona.

Xidigaan oo hada 24 sano jir ayaa wakiilkiisa waxaa uu sheegay in ciyaaryahanka laga yaabo inuu u dhaqaaqo kooxda Paris Siant Germany.

Si walba Neymar ayaa hada ku raaxeeysanaya xilli ciyaareed kale oo guul ah , waxaase wararka qaar ay sheegayaan in ciyaaryahanka uu ka tagikaro kooxda Barcelona, balse waxaan fikirka qabin Ronaldo.

Waxaa uu joogidoonaa Barcelona, ” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayey Canal+.

”Uma maleeynayo in Neymar uu kooxdaan ka tagayo, waxaana uu ku wanaagsanyahay Magaalada, mana aminsani in suuqa lasoo dhigidoono.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Saints ayaa waxaa uu kooxdiisa u dhaliyey 54 gool oo La Liga kadib markii uu saftay 91 kulan tan iyo 2013.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News