Haqabtirenews.com
Daafaca Kooxda Leicester City Ee Christian Fuchs Oo Balan Qaad Layaab Leh U Sameeyay Xidigii Horyaalka U Gacan Galiyay Ee Eden Hazard.
May 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Daafaca bidix ee kooxda Leicester City ee Christian Fuchs ayaa balan qaad layaab leh u sameeyay xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo kooxda dawacooyinka u gacan galiyay horyaalka ingiriiska kadib markii uu kala dhantaalay hamigii horyaalka ee Tottenham.

Fuchs ayaa sheegay in ka hor kulanka kooxdiisa ay martida u noqonn doonto kooxda Chelsea uu dhunkan doono garabka ree Belgium ee iyo Blues ee Eden Hazard.

“Goolkii Hazard wuxuu ahaa mid weyn, Eden waa ciyaariyahan aan caadi aheyn, hadii aan la joogi lahaa waan dhunkan lahaa laakin haatan waxaan sidaas sameyn doonaa ka hor kulanka aan booqan doono Stamford Bridge” ayuu u sheegaytalkSPORT.

“Waxay aheyd daqiiqad aan caadi aheyn markii uu dhacay seerigii ciyaarta, Allah, waxay aheyd waali. Waxaan koox ahaan ugu wada daawaneynay ciyaarta guriga Jamie Vardy, waa inaan qirtaan inaan xilgaas aqoon inaan fadhiyay iyo inaan taagnaa”.

FUchs

“Waxay aheyd ciyaar aan caadi aheyn, xitaa markii ay Tottenham 2-0 ku hogaamineysay ciyaarta waxaan ogaa iney wali wax waliba suurogal yihiin, isbiiratka ciyaartooyda wuxuu ahaa mid aan caadi aheyn, waxaan buux dhaafinay guriga Vardy, waxaan u wada dabaal degnay si wado jir ah”.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News