Haqabtirenews.com
XIRIIRO QARSOON: Simeone v Guardiola – xusuustii 1999, xiddigaha qol labis wadaagay ee kulankaan ku lug leh, waxwalba oo qarsoon ka ogow ka hor kulanka caawa Atletco Madrid iyo Bayern Munic.
May 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kullnati wacan aqristayaasheena sharfata badan , meelkasta oo aad joogtaan ,kusoo dhawaada xubinta aan kusoo qaadano xiriirada qarsoon ee hore ay u sameeyeen kooxaha waweyn ee Champions League isaga hor imaanaya.

Manta waxaan dib u eegid ku sameyn doonaa ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxaha Atletco Madrid iyo Bayern Munic xiriirada qarsoon ee hore usameyeen.

  • Diego Simeone iyo Josep Guardiola waxay si joogta ah isaga hor imaanayeen iyagoo ciyaartooy ah, Simeone ayaana usoo ciyaaray Atlético iyo Sevilla FC iyadoo Guardiola joogay Barcelona muddo.
  • Simeone diiwaan gashatay saddex guul isagoo wajahay Guardiola oo isna afar badiyay, inkastoo ninka Argentinian1996 finalka Copa del Rey Atlético usahlay in 1-0  ku badiso ka dib markii waqtigii dheeri ah la ciyaaray.
  • Simeone ayaa sidoo kale ka caawiyay Argentina inay 2-0 ciyaar saaxiibtinimo kaga badiyeen Spain oo uu katirsanaa Guardiola ciyaar ka dhacday magaalada Sevilla 17 November 1999.
  • iyagoo ahaa tababarayaal mar kaliya ayuu – 2-1 Liga klaga guuleystay Guardiola waayihiisii Barcelona ciyaar ka dhacday Calderón 26 February 2012.
  • Guardiola ayaa wajahay Atlético 22 jeer, waayihiisi tababare ama ciyaaryahanimo ee Barcelona, isagoo ka dhaliyay hal gool (waxaana uu ka heystaa W13 D5 L4 )
  • Tababaraha kooxda Barcelona isagoo ahaa, Guardiola ayaa wajahay Atlético toban jeer, waxaana uu ka badiyay sideed iyo waxaana uu qasaaray labada kale.
  • Arturo Vidal ayaa katirsanaa Juventus guuldarro 1-0 markii ay kala kulmayeen Atlético wareega group-yada xilli ciyaareedkii hore , waxaana uu ciyaaray sidookale kulankii lugta labaad ee barbaro 0-0 ku dhamaaday Turin, haddase waa Bayern Munich.
  • Ciyaartooyda kawada ciyaartay Spain ee kulugta leh kulankaan:

Javi Martínez (Club Athletic, 2006-13) – P13 W5 L8 v Atletico Madrid

Thiago Alcántara (Barcelona, 2008-13) – P2 W2 v Atletico Madrid

Juan Bernat (Valencia CF, 2012-14) – P4 D2 L2 v Atletico Madrid

Xabi Alonso (Real Sociedad, 2001-04, Real Madrid, 2009-14) – P23

W15 D5 L3 v Atletico Madrid

Arjen Robben (Real Madrid, 2007-09) – P1 D1 v Atletico Madrid

  • Ciyaartooyda qul labis wadaatay:

 Douglas Costa & Filipe Luis (Brazil)

Kingsley Coman, Franck Ribéry & Antoine Griezmann (France)

Juan Bernat, Javi Martínez, Xabi Alonso, Thiago Alcántara & Juanfran, Koke, Fernando Torres (Spain)

  • Koke iyo Thiago waxay masuul ka ahaayeen 2013 UEFA European Under-21 Championship in ay qaadaan Spain caawse labada kox ayay ka kala tirsan yihiin.
  • Ciyaartooyda wada jir u ciyaaray

 Miguel Ángel Moya & Juan Bernat (Valencia 2011-12)

Tiago & Arjen Robben (Chelsea, 2004-05)

  • Diego Godín ayaa dhaliyay goolkii Uruguay sreebreebka Koobka Adduunka 2018 i ,3-0 ku garaacday Chile November 2015 , waxaa kasoo horjeeday Arturo Vidaloo caawa Munich katirsan.
  • Fernando Torres ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Spain 1-0 Germany finalka UEFA EURO 2008 ku garaaceen Vienna , Philipp Lahm ayaa u ciyaarayay kooxda Germany iyadoo Alonso uu bedel ugu yimid Spain.
  • Robben ayaa u dhaliyay Netherlands gool, kulankii 3-2 kaga badiyeen 2010 semi-finalka Koobka Adduunka Uruguay oo uu katirsanaa Godín iyadoo Uruguay laga badiyay sidookale kaalinta Seddexaad-ay ku qarajiyeen Germany oo uu katirsanaa, Thomas Müller Manuel Neuer iyo Holger Badstuber oo ahaa bedel aan la isticmaalin.
  • Robert Lewandowski wuxu dhaliyay gool Poland markii barbaro 1-1 la galeen Montenegro isreebreebka koobka adduunka 6 September 2013. Stefan Savicoo hadda katirsan Atletio ayaa usafnaa qaranka Montenegro.

vv

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News