Haqabtirenews.com
Tahniyad iyo Taageero Suldaan Axmed X.Xasan Jaamac Abokor.
May 3, 2016 - Written by admin
">

Salaamu Caleykum. Salaan kadib, qaybo badan oo ka mid ah bulshoweynta ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan hambalyo iyo bogaadin ugu diray Suldaan Axmed X.Xasan X.Jaamac Abokor oo dhawaan lagu caleemo saaray xarunta gobolka togdheer ee Burco.

Dadka hambalyada diray oo ay ka mid ahaayeen haldoorka madax dhaqameedka gobolka maroodijeex iyo aqoonyahan tiro badan ayaa waxay suldaanka ugu duceeyeen in alle ku garab galo xilka Culus ee beeshiisu u igmatay.

Waxgaradka tahniyadda diray waxay si mugweyn u tilmaameen aqoonta ay u leeyihiin Suldaan Axmed X.Xasan, yagoo sheegay inay kalsooni badan ku qabaan aqoontiisa iyo kartidiisiba iyagoo raaciyey inuu yahay nin diinta iyo dhaqanka somalidaba aqoon xeeldheer u leh, kana soojeedaa guri beesha Ibrahim Sheekh Isixaaq (Sanbuur) taarikh weyn ku leh oo looga talinayey boqol iyo konton sanadood.

Waxaanu Suldaan Axmed X. Xasan Illaahayna uga baryaynaa inuu xilka Suldaanimo ee loo igmaday u fududeeyo, Ajar iyo xasanaat na ka siiyo.

Allahumma aamiin Isku soo wada duub oo waxa xaflado lagu hambalyeynayey caleemo saarka Suldaan Axmed X.Xasan Jaamac suldaanka beesha Ibrahim Sheekh Isixaaq (Sanbuur) lagu qabtay wadamada Norwey, Kenya, UK iyo magaalo madaxyada gobolada Somaliland.

Caaqil Khader Aadan Mawlid

COMMENTS
Latest News