Haqabtirenews.com
Sawirro: Cristiano Ronaldo Oo Dhameystirtay Tababarka Kooxda Real Madrid Ka Hor Kulanka Man City Ee Semi-finalka Champions League.
May 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor kulanka arbacada ee semi-finalka Champions League lugtiisa labaad ee ay la ciyaarayaan Manchester City.

Ronaldo oo ah xiddiga ugu goolasha badan abid tartankaan isagoo dhaliyay 93 gool ayaa dhaawac ku seegay kulankii lugta hore ee Manchester ee ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah, waxaana uu sidoo kale ka fariistay labadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka La Liga.

Si kastaba xiddiga seddexda jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa dhameystirtay tababarka kooxdiisa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhaawacmay 20kii bishii April.

Ronaldo completed his first full training session since being injured on April 20

Cristiano Ronaldo and team-mate Marcelo at Real's Valdebebas training ground

Real Madrid's Galacticos prepare for Wednesday's showdown with Manchester City

Gareth Bale controls the ball during training in the Madrid sunshine

Gareth Bale watches Cristiano Ronaldo during Real's training session

Cristiano Ronaldo is set to return for the second leg with Manchester City

Weeraryahankii hore ee Manchester United oo 31 sanno jir ah ayaa dhaliyay 47 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu gooldhalinta Champions League uu ku hogaaminayaa 16 gool isagoo hal gool u jira rikoorkiisii uu dhigay xilli ciyaareedkii 2013-14.

Xiddiga kale ee weerarka kala ciyaaraya Karim Benzema ayaa isna shalayto sameeyay kaliya orod, shaki ayaana ku jira inuu ka soo kabsan karo dhaawaca muruqa ka hor kulanka habeen danbe.

Xiddiga khadka dhexe ee Brazil Casemiro ayaa jug ay soo gaartay kulankii ay sabtida 1-0 kaga badiyeen Real Sociedad laakiin waxaa la filayaa inuu wajaho City.

Howsha u taalo Man City ayaa u muuqata mid weyn iyagoo booqanaya garoonka Santiago Bernabeu Stadium oo ah Real ku heysato rikoor cajiib ah.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News