Haqabtirenews.com
Kadib Guushoodii Layaabka Laheyd Ee Horyaalka Premier League, Ayaa Leicester Kula Biiri Doona Dheriga Koowaad Ee Tartanka Champions League Xili CIyaareedka Danbe ?
May 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Waxaad moodaa in saakay warkeena ugu badan uu ku saabsan yahay kooxda Leicester dabcan taasina waa mid ay mudan yihiin kadib markii ay dhigeen tusaale ah in wax waliba suurogal yihiin, haa, wax waliba wey dhici karaan haduu alle subxaanuhu watacaalaa qoro mana jirto cid celin karta wax samada ka qoran.

Lacag badan ma aysan bixin, deymo ayaa lagu leeyahay, ma aha koox weyn, Russia, mareykan iyo carab midkoodna malah oo ceelal shidaal uma qodna, ma heystaan xidigo £100 milyan oo pound ku fadhiya kooxdooda dhan waxaa ka lacag badan heshiisyada amaahda ah ee Falcoa iyo Pata ee Chelsea, ama Raheem Sterling uu ku yimid Man City, ama Morgan Scneiderlin ama Ander Herrera ama Anthony Martial uu ku joogo Manchester United ama Mesut Ozil uu ku joogo Arsenal, hadana waxay qaaden horyaalka ingiriiska, hadaba kooxahee kale ee xaqiiqsaday ama xaqiiqsan kara booskooda koowaad ee Champions league ama dheriga koowaad ee tartanka ugu weyn qaarada yurub ?

Vardy

Premier League: Leicester City

LA LIGA | Barcelona, Real Madrid ama Atletico Madrid

BUNDESLIGA | Bayern Munich or Borussia Dortmund

SERIE A | Juventus

PRIMEIRA LIGA | Benfica ama Sporting

LIGUE 1 | Paris Saint-Germain

RUSSIAN PREMIER LEAGUE | Rostov ama CSKA Moscow

Booska ugu danbeeya ee dheriga koowaad ka hara waxaa qaadan doonta kooxda ree Ukrainian ee Dynamo Kyiv ama kooxda hanata Champions League hadii aysan ku guuleysan horyaalka dalkeeda waxayna oqon kartaa midkood Bayern (Waxay ugu cadcadahay horyaalkeeda hadii ay qaado horyaalkeed aoo ay ku darsato Champions league waxaa booskaas qaadanaya Dynamo) , Atletico, Real Madrid ama Man City..

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News