Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo Diyaar U Ah Kulanka Guul Ama Geerida Ah Ee Kooxdiisa Ay La Leedahay Man City Iyo Karim Benzema Oo Shaki WEYN Laga Muujinayo.
May 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Real Madrid ayaa war isku dhaf ah ka heshay qolka labiska kooxdeeda ka hor kulanka muhiimka ah ee habeen danbe ee Champions league kadib markii uu kabtanka xulka Portugal ee Cristiano uu si buuxdo ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa laakin waxaa wali maqan Karim Benzema.

Benzema ayaa waqtiga la dagaalamaya si uu taam ugu noqdo kulankaan taasoo aan u muuqan mid u suurogali doonto xidigaan laakin taas badalkeeda Cristiano ayaa caadi ah ula tababartay kooxdiisa, wuxuuna si caadi ah isagoo aan xanuun dareemin ka baxay tababarkii shalay ee kooxdiisa.

War ay qortay jariirada Marca ayaa sheegaya in kabtanka Potugal uu taam u noqon doono kulankaan laakin uu maclain Zidane is weydiinayo inta daqiiqo ee uu ciyaari karo laakin taasi ayaana u muuqan mid la iska weydiinayo Karim Benzema.

Benema

Marca ayaa intaa ku dareysa in xidiga khadka dhexe ee kooxdaasi ee Casemiro uu si gaar ah tababar ugu qaatay qalabka jirdhiska ee GYM ka laakin la filayo inuu kooxda ku biiro ka hor maalinta beri ah.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News