Haqabtirenews.com
WAXAAN AHAY SAAXIIBKA UGU WANAGSAN EE SAAXIIB LAGA DHIGTO WQ- Mss Hibaaq Maxamed Ayax.
May 2, 2016 - Written by admin
">

Hadii aad rabto in aad yeelato saaxiibka ugu wanagsan, saaxiibka ugu khayrka badan oo ah

saaxiib lala rafiiqo saaxiibka ugu mudan, waxaad saaxiib ka dhigtaa oo daqiiqad kasta oo

noloshaada kamid ah la qaybsata saaxiibkan wanagsan, aan kaa daalayn adiga oo ka daala

mooye, aan kaa tagayn adiga oo kataga mooye, kaama mashquulayo adiga oo ka mashquula

mooye, markasta iyo meel kastana wuxuu diyaar uyahay inuu kula socdo waa hadii aad adigu

diyaar u noqoto in aad la socoto.Hadaba waa kuma saaxiibkaa wanaagsani?

Saaxiibkaasi waa Qur’anka Kariimka ah oo hadii aad la rafiiqdo oo ka dhigato saaxiibka kuugu

dhaw oo in faa’iido kaaga korodho mooye aanad weligaa ku khasaarayn If iyo Aakhiraba.

Markaad akhrinayso waxaa uu fudeeyd ka dhigayaa laabtaada iyo quluubtaba oo uu ka

saarayaa culeyska iyo werwerka ku jira oo uu gelinyaa degenaansho, isla markaana waxaad

dareemaysa khushuuc aad u khushuucsantahay Alle S.W iyo in Alle S.W kula hadlaayo, waayo

Qur’anku waa hadal ka ugu wanaagsan waana hadalkii Alle S.W oo akhrintiisa aad ka

dhadhansanayso macaan aad u sareeya

Marka aad dhegeysanayso waxay naftaadu dareemaysa xasilooni naxariis aad u weyn.

Hadii aad ka dhigato saaxiib inta aad aduunka nooshahay, shaki kuma jiro in uu kuu noqonayo

saaxiib aan kaa tagin kaana cararin maalinta aan ku anfici doonin Carruurtaada iyo Maalkaagu

Kaana carari doono dadka ka kuugu dhaw, maalintaas oo ah maalintaas oo ah maalinta

“Qiyaamaha”. Runtii saaxiib lala saaxiibo waa ka ugu mudan ee dhabta ah.

Nebigeena Suuban “S.C.W” wuxuu axaadiis badan ku sheegay Qur’anka oo la akhriyo, lagu

camal falo isla markaana laga dhigto saaxiib fadliga uu leeyahay iyo ajark laga helo.

Nebigu “S.CW.” waxa uu yidhi: (Akhriya Qur’anka waxa uu maalinta Qiyaame u shafeeca

qaadaya saaxiibkiiye).

Sidoo kale Nebigu “S.C.W” waxa uu yidhi: (waxaa idiinku khayr badan kiina Qur’anka barta,

isla markaana dadka sii Bara).

Hadii aynu rabno in aynu noloshan yar ee gaban ee maalmaha ah ee aduunka aynu sharaf iyo

karaamo ku noolaano, ta lagu waarayo ee Aakhirana aynu ku guulaysano oo martabad iyo meel

sare aynu ka gaadhno aynu daqiiqad kasta iyo ficil kasta oo aynu qabanayno nolosheen aynu ku

dabaqno Qur’anka, siduu Nebigeena “S.C.W” uu samayn jiray, isga ayaana tusaale inoogu filan.

Caa’isha “Alle ha ka raali noqdee” ayaa la waydiiyay dabeecadii iyo Akhlaaqdii Nebiga “S.C.W”

Waxayna tidhi: (Akhaaqdiisu waxay ahayd “Qur’anka”).

Markaa hadii aynu rabno in aynu ogaano dhaqankii, Akhlaaqdii iyo qaabkii uu u noolaa Nebigu

.S.C.W waxa uu ahaa Qur’anka.

Markaa walashayda iyo walalkay Muslinka ahaw ka dhigo Qur’anka saaxiibkaaga kuu gu dhaw

aduunka, wuxuu aakhiro noqon doona saaxiibkaaga kuugu dhaw waanu kuu doodi kuuna

shafeeca qaadin.

Wax ka fiican oo ka wanaagsan oo ka nasiib badana majiro qof uu Hadalkii Illahay u shafeeca

qaaday.

W/Q: Hibaaq Maxamed Ayax

Email:hibaaq4912@gmail.com

COMMENTS
Latest News