Haqabtirenews.com
SIYAASI NOOCEE AH BAYNU U BAAHANAY ?
May 2, 2016 - Written by admin
">

Amaan iyo mahad idilkeed waxay u sugnaatay RABI SW naxariis iyo nabad galyona dushiisa ha ahaato suubaneheenii MUXAMED BINU C/LAAHI BINU C/MUDALIB (SCW) Maxaa laga doonayaa inay bulshadeenu ku doorato siyaasiga ay masiirkooda ku aaminayaan?

Waxaa laga rabaa ina aanay siyaasiga ku dooran eex,qaraabo kiil iyo qabyaalad balse ay ka eegaan dhanka baahiyahooda in uu wax ka qaban karo,misana ay miisaamaan in uu yahay nin ka soo bixi kara shaqada ay u dhiibanayaan Siyaasiga qiimaha leh waa mid tayada maskax ahaaneed ka dhisan,garaadkiisuna yahay mid aragti dheer,damaciisuna yahay mid guud ahaan ka turjumaya baahiyaha bulsheed ee jira,cabirka tayada siyaasigu maaha aqoontiisa cilmi ee waa garaadkiisa,shaqsiyadiisa iyo dhaqankiisa oo ay ku lamaan tahay sooyaalkii nololeed iyo xirfadiisa hogaamineed Uma jeedo siyaasigu yaanu aqoon lahaanin,AQOON waa qaybta ugu muhiimsan ee qofka laga eego ,hadii usan aqoon lahayn ma aha qof is hogaamin kara dadna hogaamin kara,maxaa yeelay isaga ayaanba ahayn qof dhamaystiran una baahan garab istaag iyo taakulo,hadiise uu aqoon leeyahay xitaa waa in laga eega saamaynta ay aqoontu naftiisa ku yeelatay heerka ay gaadhsiisan tahay HADAF waa mid ka mid ah astaamaha iyo sababaha siyaasi lagu doorto,hadii uusan siyaasigu lahayn hadaf uu doonayo inuu bulshadiisa ku hogaamiyo waxaan odhan kara uma qalmo hanashada xilkaas XILKASNIMO meel muhiim ah bay kaga jirtaa qimaha siyaasiga sababtoo ah hadii uusan siyaasigu lahayn xilkasnimo shaqsiyadeed waxay umada u hor seedi kartaa kala daadasho iyo kala tag ummadeed Marka laga hadlayo qiimaha iyo tayada siyaasiga maaha wax halkan iyo qoraalkan lagu soo koobi karo balse waa aragtidayda iyo sida aan is odhan lahaa ku cabir siyaasiga ama hogaamiyaha aynu maanta doonayno NAXARIIS siyaasigu waa inuu ahaadaa mid u damqada oo la damqada dadkiisa,lana wadaagaa xaaladaha iyo caqabadaha nololeed ee ay ku jiraan ama soo wajaha,siyaasiga aynu maanta u baahanahay maaha midka hada jooga ee maal raaca ah aragtidiisuna aanay dhaafsiisnayn maalin noolaanshaha DIIN ummadeenu waa muslin 100% suni ah waliba shaafici ka sii ah markaa waxaa lagama maarmaan ah ninka damacu ka galay hogaaminta bulshada waa inuu lahaa cilmi diineed,masuuliyada ugu culusna waxay ka saaran tahay ilaalinta iyo ku dhaqanka shareecada islamka Eco Mahad Maxamed C/laahi (Mahad Diiste)

COMMENTS
Latest News