Haqabtirenews.com
Doorashadii Maayar Maxamed Muraad Ee Moyarnimo Oo Noqotay Habeen Baas Oo U dumay Magaalada Burco !
May 2, 2016 - Written by admin
">

Marka Hore Waxaan Halkan Ka salaamayaa Dhamaan Ummada Reer somaliland Meel kasta oo ay dunnida ka joogaan Waxaan Halkan Ugu Hanbaylyaynayaa Sanad guurada 25aad Ee ka soo Wareegtay gooni isutaaga qaranimada somaliland Oo ku beegan 18.May.2016 waxaan Leeyahay Meel kasta oo dunnida aad ka joogtaan Ciid wanaagsan , intaas ka bacdi hadaan waxyar dib ugu laabto tariikhda qadiimiga ah ee magalada Burco caasimada gobolka Togdheer, Waa magaalo ku suntan halgankii Iyo Qaramada somaliland waana Goobtii lagaga Dhawaaqay Qarankan curdinka Ah Ee somaliland Mudoo ku dhaw shan iyo laabatan sanno , Waa Magaalo soo Martay maraaxil ka duwan kana soo baxeen Halyeeyo Farabadan Oo suntan taariikhda somaliland , Muddadii somaliland Ay jirtay Magalada Burco Waxaa soo maray mayaro kala duwan iyo badhasaabo kala duwan kuwaasi oo mideeyay Ummada walaalaha ah Ee dagta gobolka Togdheer khaasatan magalada Burco , waxaan Tariikhda ka xusi karnaa Ina Dhagalaab ,Mahamed Hussein , Dhinaca Badhasaabada waxaa soo maray Ina Aadan Dhari ,jamac Cabdilaahi Biin , intaasiba waxay ka shaqeeyeen Midnimadii iyo kor u qaadistiii horumarka magalada burco iyo ummada dagtaba , Ayaan Darro se maanta waxaa nasiibkoodii noqday in Ragii wanaagsana Ee tariikhda burco xustay Uu dhaxalkoodii dhaxlay maayor Muraad Intaas hadaan ka gudbo oo aan u soo dhaadhaco shaqada xildhibaanimada dawladaha Hoose waxa ay tahay, Ka shaqaynta bilicda magaalada Iyo sidoo kale iyo sidoo kale ka shaqaynta hantida dhulka guud iyo ta gaar ahaaneed oo ay maamulaan sidoo kale cashuur ururinta hadaba waxaa maanta gobolka togdheer khaasatan magalada burco ka taagan in guryahii Hore Ee booliska Oo in badan ay ka soo shaqeeyeen xildhibaanada goolaha degaanka iyagoo ugu talo galay in ka sameeyaan suuq wayn oo dan u ah shacabka magalada burco hadaba sida dastuurkeenu qaranku xeer number 110 ,111 farqadiisa 23 ilaa 36 xarafka EDB waxa Uu Qaxeeyaa Awooda Gaarka Ah Ee Goolaha Degaanka ,

Hadaba Maanta waxaynu la wada soconaa waxaa ka socda goolaha degaanka Magalada Burco Iyo Fargalinta kaga imanaysa Dawlada Dhexe Ee somaliland Gaar ahaan Wasaarada Hawlaha Guud taasi Shaqadoodu tahay mid aan ahayn Hawshan ay faraha la soo galeen Ee goolaha degaanka Burco waxan ku bogaadin lahaa wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta somaliland Mudane Cali Mareexaan Inuu faraha kala baxo shaqo aan shaqadiisa ahayn dayac Tirana wadooyinka Dayacan Ee somaliland sidoo kalana wax ka qabto hantida guud Ee ummada taasi oo maalin kasta si sharci darro ah loo lunsanayo haday noqoto dhamaan waxii guryo ama hanti dhul banaan ahayd Ee dawladu lahayd taas oo shaqsiyaad lagu wareejiyo maalin kasta ,

Ugu danbayn hadaan ku soo dhawaado gabagabada qoraalkaygan waxaan Xukuumada Uu Hormoodka U yahay Ahmed Mohamed Mohamoud ‘Siilaanyo’ Ee Mudda sanadka ka yari u hadhsan tahay Inuu si sharaf leh u sii maamulo qaranka Eexda iyo kala Gaynta ummada reer somaliland Ee is wada ahna ka fogaado

waxaan halkan tageero uga dirayaa Dhamaan xildhibaanada xaq u dirirka ah Ee Goolaha Deegaanka Magalada Burco kuwaasi Oo muujiyay Karti Ay maanta kaga soo hor jeedsadaan Dulmiga Qaawan Ee uu wado Maayarka Magalada burco Mahamed Muraad isagoo garabsanaya wasaaarada hawlaha guud Ee somaliland ,

Mahamed Digix Munich Germany

COMMENTS
Latest News