Haqabtirenews.com
“WASIIR KU XIGEEN SHAXDA GODKAA AAD ILDUUFTAY WAANU KUU CELINAYNAA WAXAAD SE……………..”
May 1, 2016 - Written by admin
">

Waxaan Arkay Qoraal Kooban Oo Uu Bartiisa Facebook-ga Ku Qoray Saaxiibkaygii Da,yarta Ahaa Ee Dhawaan Laga Dhigay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga S/Land Maxamuud Warsame Jaamac

Nuxurka Qoraalkasi Oo Ahaa Beenin Uu Beeninayo Qoraal Lagu Baahiyey Wargeyska Hubaal Kaas Oo Tibaaxaya In Wasiir Ku Xigeenka Ay Xidhiidh Hoose La Soo Sameeyeen Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani

– Hadaan Ku Horeeyo Hab Qoraalka Masuulkani Uu Iskaga Difaacayay Warkii Uu Ka Qoray Wargeyska Hubaal

Run Ahaantii Wuxuu Ahaa Hadal Qoraal Aan Ku Haboonayn Inuu Ka Soo Yeedho Shikhsi Masuul Ah Waxaana Ka Muuqatay Waayo-aragnimo La,aan Badan Islamarkaana Waxay Taasi Ku Tusaysa Halka Ay Gaadhsiisan Tahay Garashada Aqooneed Ee Masuulkani Qaran,

Sidoo Kale Hadal Qoraalkani Masuulka Ayaa Ahaa Mid Aan Ujeedkiisu Sal Balaadhnayn Islamarkaana Ahaa Mid Uu Iskaga Dhex Yaacay Hab Jawaabeedkii Qorshihiisu Ahaa, Kaas Oo U Muuqday Masuul Garan Waayay Cida Uu U Jawaabayo

Sida Aan Wada Akhrinay Masuulkan Wasiir Ku Xigeenka Ahi Waxa Uu Qoraalkiisa Ku Tilmaamayey Inuu Ka Jawaabayo Qoraal Uu Qoray Mid Kamida Wargeys-yada Ka Soo Baxa Dalka

Balse Qoraalka Jawaabta Ah Ee Wasiir Ku Xigeenka Waxa Ka Muuqatay Inuu Kala Garan-waayay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Iyo Wargeyskii Wax Ka Qoray

Waxaanu Wasiir Ku Xigeenku Canjarafayn Iyo Eedayn Qoraal Ah, Islamarkaana Kalsooni Daro Badani Ka Muuqato Uu Kula Dul Kufay Gebi Ahaanba Xisbiga Wadani

Iyada Oo Aan Odhan Karo Maxamuud Warsame Jaamac Waxa Uu Durbadiiba Ilaabay In Xisbiga Wadani Yahay Dugsigii Uu Ku Soo Barbaaray Islamarkaana Tusay Inuu Yahay Nin Dhalinyaro Ah Oo Saaxada Siyaasada Ka Ciyaari Kara

Walow Aan Sidoo Kalena Odhan Karo Waxa Uu Iyana Durbadiiba Ilaabay Luuqadii Siyaasadeed Ee Anshaxa, Habka, Hanaanka Iyo Higsiga Lahayd Ee Lagu Baray Xisbiga Wadani

Islamarkaana Wuxu Si Fudud Ula Qabsaday Hadalkii Iyo Luuqadii Aan Fayoobayn Ee Ay Ku Hadli Jireen Guulwadayaasha Biyo Madaad-shayaasha Ah Ee Xisbiga Kulmiye,

Hadaba Marka Laga Yimaado Hog-seega La Darsay Ee Ah Inuu Garan-waayay Cida Qoraalka Ka Samaysay Ee Ahayd Inuu U Jawaabo Amase Uu Beeniyo Falaadii Ay Ka Qortay

Wuxuu Hilmaamay Inuu Yahay Tusaalihii Dhalinyarada Dalka Ee Inta Badan Ku Andacoonaysay In Mansab Laga Siiyo Xukuumad Kasta Oo Ka Dhalata Dalka Islamarkaana Qaab U Hadalkiisa Siyaasadeed Uu Noqonayo Mid Lagu Qiimayn Doono Awooda Ay Dhalinyaradu U Leeyihiin Mamulista Xasaanada La Saaro,

Sidaasi Si Lamidana Maxamuud Warsame Waxa Uu Ilduufay Oo Maankiisa Iyo Maskaxdiisaba Ka Baxday Inuu Yahay Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Taasi Oo Ah Mid Aan Ku Haboonayn In Masuuliyiintedu Isticmaalan Hadalada Kala Qaybinta Iyo Kala Qobqobka Ah Maadama Oo Ay Tahay Wasaarada Difaaca Qaranka

Sidoo Kalana Hab-qoraalka Wasiir Ku Xigeenka Waxa Ka Muuqday Ereyo Badan Oo Tilmaamaya Inuu Yahay Raad Barad Siyaasadeed Oo Aan Cago Adag Ku Taagnayn Islamarkana Saamayn Ku Yeelanaya In Lagu Aamino In Uu Ku Hadlo Afka Wasaarada Uu Ku Xigeenka ka Yahay

Maadama Oo Sidaan Hore U Soo Sheegnay Ay Tahay Wasaaradii Difaaca Dalka Islamarkaana Loo Baahan Yahay Masuulka Hawlaha Wasaaradaasi Ka Hadlayaa Inuu Noqdo Siyaasi Hadal-ruuga Oo Luuqadiisa Masuuliyadeed Tahay Midaan Qaranka U Horseedin Nusqaan Siyaasadeed,

Ugu Danbayntiina Waxaan Hadalkayga Kaga Baxayaa

Wasiir Ku Xigeen
– In Kasta Oo Aad Ahayd Mid Kamida Masuuliyiintii Lagu Tijaabinaayey Awooda Maamul Ee Dhalinyarada,

– In Kasta Oo Bar-bilowgaagii Siyaasadeed Ay Hadalo Taag Darani Warbaahinta Kaa Xuleen,

Hadana Shaxda Godkaa Aad Ilduuftay Waanu Kuu Celinaynaa,

Waxaad Se Ogaataa Inaad Weli Ku Dhex Jirto Badweyntii Siyaasada Ee Marka Ku Quusisay Adiga Oo Huwan Qayb Kamida Xasaanadii Tijaabo Ee Dhalinyarada Dalka.

By- Faysal Mohed Daahir

COMMENTS
Latest News