Haqabtirenews.com
Maayarka Degmada Laascaanood Oo Iska Difaacay Eedo Uy Ujeediyeen Xildhibaano Mucaarad Ah.
May 1, 2016 - Written by admin
">

Maayarka degmada laascaanood cismaan saleebaan jaamac ayaa iska difaacay eedayn loo mariyay qalabka warbaahinta wuxuuna ku tilmaamay been cad waxyaabaha lagu eedeenayo oo ay wadaan canaasiir is-bahaystay oo ay kamid yihiin xisbiyada mucaaradka iyo shakhsiyaad dano-siyaasadeed leh kuwaas oo ka xun waxqabadka dawlada hoose ee degmada laascaanood

Maayarka degmada laascaanood cisman saleebaan jaamac ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad dabada ka riixaya xildhibaanada golaha deegaanka degmada laascaanood kuwaas oo qarash ku bixinaya sidii la iskaga horkeeni lahaa golaha deegaanka degmada laascaanood wuxuuna ugu baaqay ka qeyb-qaadashada hormarka degmada laascaanood Maayarka degmada laascaanood ayaa sheegay in markii hore-ba ay golaha xildhibaanada ay siiyeen codka kalsoonida oo uu abaal ugu hayo laakiin maanta uu arkayo in kooxo aan ka tirsanayn dawlada hoose dabada ka riixayso wuxuuna ku dhiiri-galiyay inay xor u noqdaan fikirkooda oo aan daaha dabadiisa wax looga soo yeerin

Maayarka ayaa ka warbixiyay inay xiligan ku mashquulsan-yihiin u diyaar garow-ga xuska 18 may sidii looga xusi lahaa gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanood ka horna mucaawino la gaarsiin lahaa qoyaysaska saamybta ku yeelatay abaaraha ka jira gobolka sool.

 

COMMENTS
Latest News