Haqabtirenews.com
War Cusub Xilliga Uu Bale Ka Taggayo Real Madrid Iyo Kooxda Uu Ku Biirayo Oo La Ogaaday!
April 30, 2016 - Written by admin
">

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafadda Spain,-Greth Bale oo ah xiddiga ugu qaalisan dunida ayaa ka fikiraya inuu dib ugu laabto Premier League-ga.

Man Unitd iyo Man City ayaa xiiso u gudbiyay Real Madrid, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan qiimo kasta oo lagu doonayo adeeggiisa.

Los Blancos ayaa dhowr mar oo hore diiday inay iibiso 26 jirkan reer Weles ee ay la dhibaatooday dhaawcayada joogtada ah, walow uu hadda si aan caadi aheyn u caawinayo kooxda, isla markaana uu biixiyay booskii Ronaldo oo garaamada ka maqan.

Si waliba, wargeyska Marca ayaa sheegaya in wakiillo ka socda 2 Manchester lagu arkay meel u dhow garoonka Real ee caasimadda Madrid,taasoo sare u sii qaadday xanta taaggan.

Ilo-wareed muhiim ah ayaa sheegaya in Bale ay isku dhacsan yihiin Ronaldo, isla markaana uusan weli ka samrin in la buriyay Rafael Benitez oo uu ka heli jiray caawinaad gooni ah,waana sababta loo aamisan yahay inuu xagaaggan ku laaban doono England haddii aan kooxda laga dirin Cristiano.

COMMENTS
Latest News