Haqabtirenews.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Gobolka Maroodi Jeex Kala Qaybgalay Bilowga Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Gobolkaasi+SAWIRO.
April 30, 2016 - Written by admin
">

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta shacbiga Somaliland kala qaybgalay diiwaangelinta Codbixiyeesha oo si rasmi ah uga bilaabantahay gobolka Maroodi-jeex Saaka.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay xaruntii layska diwaangelinaayey oo ahayd hay’adda shaqaalaha Dawlada waxa ku sii sugnaa oo ku sugaayey asxaabta qaranka, ka dibna madaxweynaha iyo Marwada koowaad ee qaranku waxay, buuxiyeen waraaqihii loogu talogalay in muwaadin kastaa buuxiyo si uu u dhamaystiro nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxanay sidaasi ku dhamaystireen shuruudihii looga baahnaa muwaadinka is diwaangelinaya.

Waxay ahayd 28-04-2016 markii mdaxweynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay dib u bilaabashada gobolada hadhsan ee diiwaangelinta, gaar ahaan gobolka maroodi-jeex oo ah kan ay subaxdii hore ee saaka ka bilaaban tahay, ka dib markii ay muddo bila ku jirtay hakad oo ay sabab u ahayd abaartii dabada dheeraatay ee dalka ka dhacday isagoo madaxweynuhu u arkay in aanay wada socon karayn gurmadka abaaraha iyo diiwaangelinta codbixiyeyaashu, taas oo ahayd tallaabo ay dad weynuhuna soo dhaweeyeen, haatan oo raxmaadkii Eebbe inoo bilaabmayna uu madaxweynuhu dib ugu dhawaaqay bilowga diiwaangelinta.
Codbixinta ka bilaaban tahay gobolka maroodi-jeex ayaa la qorsheeyey inay socoto ilaa 28 bisha May.

13087342_956353744478479_2444227090769281811_n 13091900_956353251145195_1201015950472184842_n 13091963_956353441145176_8104445676421202364_n 13092046_956353037811883_3193130131320788238_n 13094137_956353034478550_7905369744994043174_n 13096117_956353471145173_4966845743544020534_n 13096354_956352994478554_7220314714845146164_n 13100743_956353247811862_6572716027121183330_n 13100860_956353661145154_8766832152301243993_n 13100860_956353707811816_130246620104338118_n 13102783_956352991145221_5238141165515590481_n 13103268_956353447811842_7774225029137329696_n 13119010_956353527811834_1244319957807337237_n 13124460_956353671145153_1994841402524605554_n 13138877_956353701145150_3647218075321415092_n 13139332_956353517811835_934451315473868229_n

COMMENTS
Latest News