Haqabtirenews.com
HANKA IYO HIMILADA 18 MAY KOR HA LOOGA QAADO XAMMAASAD IYO XAFLADO KHARASH BADANI KU BAXO ! W/Q DR BOQORE FARAH
April 30, 2016 - Written by admin
">

18 MAY waa maalin kuwayn shucuubta somiland guud ahaantood waa maalin qaran oo lo asteeyay inay noqoto maalinta xuska gooni isu taaga Somaliland maadama oo ay tahay maalinti lagu dhawaaqay inay somaliland ka go,day soomaaliya inteda kale.

waa maalin qadarinteda iyo xushmadeeda leh waa maalin karamo iyo cisi in lagu qaabilo oo lagu sagootiyo Ku habon waa maalin darenka shacabka Somaliland in la muujiyo ay tahay.lakin waxaynu u baahnhy hammi iyo himilo ka saraysa in xaflado kharash badani inagaga baxo lagu dabaal Dego iyo in xammaasad kaliya lagu koobo maalinta inagu wayn.

waxa habboon bajatka(budjet) loo qoondeeyo in xafladaha iyo munaasibadaha lagu fan gareyo loo qoondeeyo fulinta mashaariic huwan magaca 18 ka may soda dhaammam waawayn oo biyo xidheeno ah, ceelal biyood,dugsiyo farsamda gacanta ah ,waddooyin,dhismayaasha haayadaha kala duwan ee qaranka,hadii la fuliyo mashruucyada huwan magaca 18 ka may oo mid kasta marka la dhamystiro lagu wanqalo magaca 18 ka may oo xanbaarsan xikmad iyo xushmayn.xikmadu tahay in magaca la xuso oo meel kasta uu ka muuqdo,xushmaduna tahay in magacu qiimaha uu leeyahy ay ka muuqato horumar iyo dedaal loogu jiro in wax la dhisto nidaam dawladnimo ku tiirsan waxqabad iyo horumar.

akhriste ha u qaadan inan ka soo horjeedo munaasibadaha lagu xuso 18 ka may ee waxan ra,yigayga ku cabiraya in la helo wax ka wayn maalin la xuso maalintii gooni isu taaga somaliland oo la weeleeyo maalka inagaga baxa xuska may lagana shaqaysiiyo maskaxda oo dhaqaalaha la galiyo xafladaha iyo damashaadka lagu bedelo wax qabad buuran oo bulshada somaliland aayatiin iyo anfac labadaba u leh sidaa darteed waxaynu u baahany in 25 sano kadib dib loo eego sidaynu may wax uga bedeli lahayn iyo sidaynu horumar u hiigsan lahayn.

wali maynu arag goob dawladu hirgalisay oo loogu magac daray 18 may maynu arag goobo caan ah lau magacaabo 18 may markaa waa in wax ka bedel lagu sameeya habka lagu xuso laguna sagootiyo 18 ka may.

W/Q DR BOQORE FARAH

COMMENTS
Latest News