Haqabtirenews.com
Gudoomiye Mudane Cabdiraxmaan Cirro Iyo Waftidisii Oo La Kulmay Labada Gole Baarlamaan Ee Dalka Maraykanka+Waxa Ay Ka Wadda Hadleen Halkan Kaga Boggo.
April 29, 2016 - Written by admin
">

Wefti ballaadhan oo ka socday Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay labada gole baarlamaan ee dalka Maraykanka ee Senateka iyo Congresska, kulanka oo socday saacado tiro badan ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen Aqoonsiga Somaliland, Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee labada dhinac, Doorashooyinka iyo sidii Maraykanku u kordhin lahaa caawimada uu u fidiyo Somaliland.

Mas’uuliyiinta weftigu la kulmay waxa ka mid ahaa xubno sarsare oo ka socday illaa lix xafiis oo Senateka ah gaar ahaan xafiisyada Senatorska Chritopher Coons oo laga soo doorto Delware, Johny Isakson oo laga soo doorto Georgia, Tim Kaine oo laga soo doorto Virginia, Ben Cardin oo laga soo doorto Maryland iyo Amy Klobuchar oo laga soo doorto Minnesota.

Arrimaha sida weyn loogu soo qaaday kulankan waxaa ka mid ahayd, arrimaha xawaaladaha, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa u soo jeediyey masuuliyiinta ka socotay xafiisyada Senateka inay door ka qaataan sidii loo garab istaagi lahaa hannaanka xawaaladaha, kuwaas oo lama huraan u ah nolosha dadka Soomaalida ah. Masuuliyiinta ka socotay Golaha Senateka ayaa weftiga su’aalo ka weydiiyey arrintan xawlaadaha gaar ahaan miisaanka ay ugu fadhido nolosha dadka danyarta ah, hase ahaatee Guddoomiye Cirro ayaa arrintaasi ku tilmaamay inay tahay mid daruuri u ah nolosha bulshada, dawladda Maraykankana wuxuu ugu baaqay inay xoogga saaraan sidii ay u fududayn lahaayeen iyaga oo samaynaya jidadka ugu habboon.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ugu horrayn uga sheekeeyey masuuliyiinta Maraykanka, Taariikhda Somaliland iyo horumarka ay illaa haatan gaadhay, isaga oo hordhigay in la gaadhay xilligii dawladda Maraykanku ay indhaha u soo jeedin lahayd arrimaha Somaliland, wuxuuna ka codsaday golaha Senateka inay door ka qaataan sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.

Ka dib kulan socday saacad iyo dheeraad, waxaa weftiga Somaliland qado sharaf loogu sameeyey isla dhismaha golaha Senaterka halkaas oo ay uga sii gudbeen kulan labaad oo ay la qaateen Golaha Congresska Maraykanka.

Weftiga Somaliland ayaa ka kooban Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan MAxamed Cabdullaahi Cirro, Amb. Maxamed Cali, Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga Waddani mudane Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Cabdiraxmaan Maxamed Magan, Wakiilka Xisbiga Waddani ee Virginia, Maryland iyo Washington Nuura Axmed Weris iyo Xubno kale.

FB_IMG_1461962646230 FB_IMG_1461962640786 FB_IMG_1461962636320 FB_IMG_1461962632278 FB_IMG_1461962628588 FB_IMG_1461962620365 FB_IMG_1461962615271 FB_IMG_1461962609559

 

 

 

 

 

 

Haqabtire News Desk

Washington DC

COMMENTS
Latest News