Haqabtirenews.com
SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea oo ka afduubaneysa Man United saxiixa ugu horeeya ee Jose Mourinho u qorsheeyay£ 24m.
April 28, 2016 - Written by admin
">

Chelsea ayaa diyaar u ah inay ka afduubato Manchester United heshiiska xiddiga reer Portugal ee Andre Gomes.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga qadka dhexe xiriir wanaagsan uu la leeyahay Jose Mourinho, lakiin lama oga kooxda uu ku biiri karo xagaaga.

Tababaraha reer Portugal ayaa la filayaa inuu bedelo Louis van Gaal,markasoo macquul ay noqon karto xididga inuu u dhaqaaqo Manchester United,

Gomes waxa uu noqon karaa saxiixa ugu horeeya Jose Mourinho, inkastoo Chelsea ay ku heystaan.

Xiddiga Valencia waxaa wakiil ka ah wakiilka Mourinho Jorge Mendes waxaana loo badinayaa iin labada nin ay kawada shaqeeyaan hal koox xilli ciyaareedka soo socda.

Juventus hor dalab kaga gudbisay oo  lagu qiimeeyo £ 24m.

 

Gomes

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News