Haqabtirenews.com
Maxuu Pep Guardiola ka yiri guul-darradii Atletico Madrid?
April 28, 2016 - Written by admin
">

Kadib guul-darradii xanuunka badneyd ee Bayern kasoo gaartay Atletico Madrid,-Pep Guardiola oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Kuma qanacsani natiijadii aan helnay, kullanka kahor ayaan ka hadalnay in Atletico ay dar-dar nagu soo geli doonto qeybta hore,- waa niyad-jab mar waliba oo aysan kooxdaada gool-dhalinin, balse waxaan weli heysanaa 90 daqiiqo”.

” Si cajiib ah ayaan u cayaarnay, sidookale waan abuurnay fursado nagu filan hase ahaatee kama aynaan faa’ideysanin. Waan ku qanacsanahay wax-qabadkii wiilasheyda”.Lugta labaad waxaan u dheeli doonaa si caqliyeysan, waxaan u baahanahay dulqaad”.

” Si waqti dheeri ah loogu daro cayaarta waxaan u baahanahay inaan dhalino 1 gool, kadibna waxaan ku kalsoonahay inaan soo bixi doono” Pep ayaa sidaas qalbiga ku dhistay.

 

gurdiola

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News