Haqabtirenews.com
Sawiro+Muqaal: Kadib Maalmo Fasax Ah Oo Uu Luis Enrique Ciyaartoyda Kooxdiisa Siiyay, Barcelona Oo Dib U Bilaabatay Tababarka Ay Ugu Diyaar Garoobayso Kulanka Real Betis.
April 27, 2016 - Written by admin
">

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ciyaartoyda kooxdiisa kowaad ee Barcelona hore u siiyay maalmo fasax ah kadib guulihii waa waynaa ee Deportivo iyo Sporting, laakiin maanta markale ciyaartoyda Barcelona ayaa dib u bilawday tababarka ay ugu diyaar garoobayaan final ka mid ah saddex final oo ka hadhay horyaalka Spain ee La Ligaha oo meel xamaasad leh maraya.

Saddexda da’yar ee ka tirsan Barca B ee Borja López, Rafa Mujica iyo Juan Cámara ayaa ciyaarta kooxda kowaad kula soo biiray xarunta tababarka Barcelona ee Ciutat Esportiva Joan Gamper, waxaana sidoo kale tababarkii maanta dib ugu soo laabtay difaaca dhexe ee Mathieu kaas oo bishii March qaliin lagaga sameeyay jilibka.

Luis Enrique ayaa tababarkii maanta ku haystay ciyaartoyda kooxdiisa oo dhamaystiran, waxaana fasaxyo ay ku maqnaayeen ka soo laabtay ciyaartoy uu Neymar Jr ka mid ahaa. Neymar ayaa maalmihii fasaxa la siiyay ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska, balse markale Neymar, Messi iyo Suarez ayaa tababarkii maanta dib ugu midoobay iyada oo kooxda Baluagrana ay isku diyaari nayso kulanka sabtida ee ay booqan doonaan kooxda Real Betis.

Luis Enrique ayaan walwal dhawac ah qabin ka hor kulan xili ciyaareedka kooxdiisa muhiim u ah, waxayna ka maqnaansha Champions Leaque-ga uga faa’iidaysteen in ay helaan waqti ay ku nastaan isla markaana ay iskugu diyaarin karaan kulanka Betis, Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas 

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News