Haqabtirenews.com
Robben: Lacag ayaan ku bixin lahaa daawashada Riyad Mahrez.
April 27, 2016 - Written by admin
">

Xiddiga Bayern Munich waxa uu muujiyey sida uu ula dhacsan yahay xiddiga dawacooyinka iyo Claudio Ranieri

ARJEN ROBBEN waxa uu sheegay in Riyad Mahrez in uu yahay ciyaaryahanka qura ee uu lacag ku bixin lahaa daawashadiisa –  laakiin waxa uu aaminsan yahay in Leicester ay ku dhibtoon doonto hayntiisa.

Xiddiga garabka uga dheela Bayern Munich ayaa iminka isu diyaarinaya lugta hore ee afar dhamaadka Champions League ee ay la dheeli doonaan Atletico Madrid caawa.

Laakiin Holland-diiska waxa uu waxqi ku bixiyey daah ka rogida sida uu ula dhacsan yahay xiddiga sanadka ee Premier League. Riyad Mahrez.

Robben waxa uu yiri: “Waxa aan arkay, gaar ahaan waliba aan aad u maqlay, waxa uu u  muuqda mid aad u wanaagsan.

“Waa ciyaaryahan aad hibo u leh, hagaag, malaha taas waa meesha kaliya ee xanafta looga yeeli karo. Maxaa yeelay wax wanaagsan ayey sameenayaan, kooxaha kale ayaa ugaarsan doona.

“Waxa uu u muuqda mid aad u wanaagsan. Laakiin inta badan waa koox ahaan –  qaabka ay koox ahaan  u ciyaaraan waa cajiib.”

Mahrez waxa uu dhaliyey 17 gool halka uu 11 aawin Premier League iminka socda.

02_27133300_1cfb48_2826139a

Leicester City wey ku guuleysan doonaan Premier League hadii ay axadda soo socota guul ku garaan Old Trafford iyaga oo booqan doona Manchester United, iyada oo ay jiraan kooxo badan oo dhaqaale ku bixin doonaa xiddiga, hadana Algerian-ka waa laacib uu Robben isna lacag ka dhiibi lahaa daawashiisa shaqsi ahaan. Robben said: “There are a few, like the one you just mentioned at Leicester.

“Waxaan qabaa wey jiraan qaar ka mida ciyaaryahanada oo aad lacag ku bixin lahayd garoomada si aad iyaga u daawato –  ciyaaryahanada xiriifiinta ah, ciyaaryahanada kulanka hal ficil ku badali kara.”

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News