Haqabtirenews.com
Maxuu Manuel Pellegrini ka yiri qaab cayaareedkii koodiisa, mase ogtahay inuu aad u dhaleeceeyay Madrid ” Waa koox Fulley ah”
April 27, 2016 - Written by admin
">

Manchester City ayaa iska lumisay fursad qaali aheyd maadama Real Madrid uu ka maqnaa Ronaldo isla markaana ay joogtay England.

Macallin Pellegrini oo natiijada cayaarta ka hadlaya ayaa yiri”Waan faraxsanahay,waayo si cajiib ah ayaan u dheelnay kubadda, si xariifnimo ah ayaan u difaacanay,haddana waxaan isku-daynay inaan fursado badan abuurno,-markii uu dhaawacmay Silva ayaan kubadda luminay,si waliba bar-barraha ayaan ku qanacsanahay”.

” Lugta 2-aad waxaan heysanaa fursad weyn maadama aan gool nagula laheyn, Madrid ayaa ah kooxda ay waajibka ku tahay inay guul raadiso,sidaas ayaana uga faa;ideysan doonaa”.

Manuel Pellegrini ayaa oo isagoo eedeyn u jeedinaya kooxdii kasoo hor-jeeday ayaa yiri “Guul uma imaanin Madrid, waxaa uu hadafkoodu ahaa bar-barraha, xitaa billowgii waa ay ogaayeen in aysan badin karin”.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News