Haqabtirenews.com
Hishiis Dhacay ,Chelsea Oo Xiddigii Ay U Waalaneysa Kula Hishiisay Qandaraas 5 Sano Ah Xilli Roma Ay U Hambalyeeyeen Laacibka.
April 27, 2016 - Written by admin
">

Chelsea ayaa Roma ka hishiisay saxiixa qadka dhexe ee Radja Nainggolan ,waxaana ku baxeysa aduun gaaraya 28 milyan oo gini

Macalinka xilli ciyareedka dambe hogaaminaya Chelsea ee Conte ayaa 27 sanno jirkaan reer Belgium waxa uu ahaa bartimaameedkiisa koowaad ee xagaaga.

Hishiiskaas ayaa laga gun gaaray ka dib 48-kii saac ee la soo dhaafay oo ay labadaas koox lahaayeen wadahadallo fool ka fool ahaa

Waxaa lagu waramayaa in tababare Conte uu si gooni ah wadhaadallo ugala jiray laacibkaas ugu dambeyntiina uu guuleystay in uu ku qanciyo in uu Chelsea kula midoobo

Nainggolan ayaa ogalaaday in uu Chelsea u saxiixo hishiis gaaraya 5 sanno xilli Roma ay ugu hambalyeeyeen arintaas.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News