Haqabtirenews.com
DAGAAL SUUQEED: Arsenal oo godkeeda biyo ugu soo galeen markii Chelsea dalab ka gudbisay xiddig talaabo u jira inuu ku biiro Emirates.
April 27, 2016 - Written by admin
">

Chelsea ayaa kula biirtay Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan.

Waxaa la sheegay in bishii lasoo dhaafay xiddigaha caalamiga ah eeeArmenianuu  ka fiirsanayo inuu u dhaqaaqo Emirates, iyadoo hal sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa.

27-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed aad u fiican oo uu la qaatay kooxda Thomas Tuchel, iyadoo 18 gool tartamada oo dhan uu dhaliyay.

Mkhitaryan marka xaaladiisa ka hadlay macalin Tuchel isagoo yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan fursad u helnay inuu nala shaqeeyo , run ahaantii,” Miki, waa xiddig heer sare ah.

Arsenal ayaa haatan isku diyaari doonta dagaal ay kula galaan ciyaaryahankaan kooxda Chelsea oo xiisihiisa ku biirtay.

miki

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News