Haqabtirenews.com
SUUQA KALA IIBSIGA: Antoine Griezmann oo kor u qaaday fursadaha uu kaga tagi karo kooxdiisa, xili lacag weyn ay ku doonayaan Chelsea iyo Man United.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Antoine Griezmann ayaa doonayo ka tagista kooxda Atletico Madrid xagaagan ,waxaana uu sheegay inuu ka fiirsan doona dalabyada u imaanaya sida uu sheegay khabiir kubada cagta Spain Guillem Balague.

Xiddiga reer France ayaa lagu soo waramayaa inuu soo jiitay Chelsea iyo Manchester United ka dib markii 20 gool La Liga xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyay.

Qaab ciyaaredka Griezmann ayaa ka caawiyay Atletico in ay kula dagaalaman Horyaaalka kooxda Barcelona, iyadoo kaliya seddex kulan ay ka harsan tahay La Liga.

Simeone ayaa doonaya in ay sii heystaan ciyaaryahanka inkastoo ay u guurayaan garoonka cusub ee qaada 69,000-taageere xili ciyaaredka sooscda, laakiin khatarta ayaa lagala kulmi karaa dhaqaalaha weyn ee kooxaha Chelsea iyo United.

Diego Simeone

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News