Haqabtirenews.com
Riyad Mahraz Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Leicester City , Barcelona Iyo PSG Wuu Soo Hadal Qaaday.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Xididga kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez ayaa iska fogeeyay wararka sheegayay in uu u wareegayo kooxda PSG halka uu diiday in uu ka hadlo in ay dhici karto in uu aado kooxda Barcelona.

Kooxo kala duwan oo yurub ah ayaa lala xaririnayaa laacibkaan ka dib heerka aadka u sareeya ee uu xilli ciyaareedkaan ku soo muuqday xilli uu xalay ku guuleystay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkana ee horyaalka Ingiriiska

Waxa uu wiilkaan reer Algeria uu hoosta ka xariiqay in uu doonayo in uu sii joogo horyaalka Ingiriiska ” PSG waa koox weyn waliba leh xiddigo waa weyn basle uma socdo”.

“Ma dhahayo waa mustaxiil in aan ka tago Leicester City balse run ahaantii ma doonayo in aan France ku laabto waayo horyaalkaan ayaan jeclahay”.

Mar uu ka jawaabayay wararka la xariirnaya sidoo kale Barcelona ayuu Riyad yiri ” ma doonayo in aan ku dheeraado arimahaan waayo in ay dhibaateyso ayaa laga yaabaa” ayuu sii raaciyay Riyad

COMMENTS
Latest News