Haqabtirenews.com
Qaabka Ay Ku Joojinayaan Cristiano Ronaldo, In Kulankaan Uu Yahay Kan Ugu Muhiimsan Ee Labada Kooxba Iyo Wax Waliba Uu Ka Hadlay Kabtanka Man City Ee Vicent Kompany Ka Hor Kulanka UCL Ee Real Madrid.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Manuel Pellegrini iyo wiilashiisa ayaa caawa wajahaya kooxda Real Madrid oo ay ku soo dhaweynayaa garoonka Etihad kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka ee Champions league kulankaan ayaana ah koodii ugu weynaa ee taariikhda kooxdaas, Man City ayaana war farxad leh ka heshay soo laabashada kabtankooda Vicent Kompany.

Kompany ayaa la hadlay saxaafada ka hor kulankaan wuxuuna ka hadlay qaabka ay u daafici karaan xidiga heerka caalami ee Porugal iyo Real Madrid ee Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri Kompany “Waa mid kamid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee aan ka fakareyno, sidoo kale markaan soo fariisanayay halkaan waxaan ogaa in la I weydiinayo su;aasha Cristiano sababtoo ah marka aad wajaheysa barcelona ama Real Madrid waxaa lagu weydiinayaa sidee ku joojineysaa Ronaldo ama Messi ?”

“Laakin jawaabta ayaa ah marwaliba mid isku mid ah, waxaad heystaaa furdsad aad ku joojin karto, hadii aad koox ahaan si wanaagsan u ciyaartaan dabcan waxaad heystaan fursad fiican oo aad ku adkaan kartaan, hadii aanan sidaas sameyn wuxuu dhalin doonaa gool”.

 

Kompany ayaa iska diiday in kooxdiisa kaliya uu kulankaan u yahay kan ugu weyn ee xili ciyaareedkaan wuxuuna yiri “Iyaga xitaa wuu u yahay, waxaan la ciyaareynaa mid kamid ah kooxaha ugu waa weyn taariikhda kubada cagta aduunka, taageeraayasheena ayaa awood u yeelan doona iney farqiga sameeyaan, waa iney lahaadaan qeyladooda ugu sareysa kulankaan”.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News