Haqabtirenews.com
PSG Oo Hor Mar Ka Sameyneysa Wadahadallo Ay Kula Jiraan Chelsea , Yay Ka Doonayaan.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Saxaafadda France ayaa qoreysa in saraakiil ka socota kooxda PSG ay dadaal dheeraad ah ku bixinayaan in Chelsea ku qancinayaan in xagaagaan ay ka helaan saxiixa kubad sameeye Hazard

Ilo wareeyo uu soo xiganayo wargeyska Le Parisien ayaa sheegaya in ay jiraan wadahadallo balaaran isla markaana hormar laga sameeyay uu u dhaxeeyo mas`uuliyiinta labada koox iyadoo la filaayo in maalmaha soo socda ay dhameystirmaan

Le Parisien ayaa sheegeysa in ay u badan tahay in Chelsea ogalaadaan iibinta laacibka balse dhankooda ay dadaal ugu jiraan in hishiiskaas lagu soo daro Cavani oo ay doonayaan

Hazard inkastoo uu sheegay in uusan Chelsea ka socon hadana rabitaankiisa Champion-ka ayaa keenaya in uu ogalaado in uu baxo inkastoo Real Madrid-na aysan ka quusan soo xero gilintiisa

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News