Haqabtirenews.com
NO, Silva & Benzema -: Aguero Ronaldo iyo Kevin de Bruyne oo hogaaminaya shaxda isku dare e ugu fiican Manchester City & Real Madrid.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Laba ka mid ah kooxaha ugu qanisan adduunka ayaa caawa semi-finalka Champions League ku kulmaya, sidaasi darteed aan eegno isku darka labadaan koox 11-ka ciyaaryahan ee ugu wanaagsan ama koox ahaan loo sameeyay.

Shabakadda ciyaaraha ee Laacibin.com ayaa idin soo gudbineysa shaxda isku dar labada koox ee Real Madrid iyo Manchester City ugu wanaagsan.

Haddaba yaa maqan yaase kujira?

goolhayaha | Keylor Navas

Goolhayaha calamiga ah ee dalka Costa Rica ayaa ku dhowaaday inuu ka tago Real Madrid xagaagii hore – markasoo kooxda ay ku dhawaatay in ay soo qataan David de Gea , lakiin hadda waxaa uu noqday ciyaaryahan muhim ka ah los Blancos.

Daafaca midig | Bacary Sagna

Daafacaan ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsan ee City tan iyo markii uu ka soo tagay Arsenal, si fudud ayuu booska kala baxay Pablo Zabaleta, kasoo dhaawaco la darsay.

Daafaca dhaxe |Vincent Kompany

Vincent Kompany ciyaaryahanka ugu fiican daafaca City yahay, haddana waxaa hoos u dhigaya dhawacyo hareynaya, Nicolas Otamendi  iyo Eliaquim Mangala ayaa sii buuxiyay mudadii uu garoomada ka maqnaa

 Daafaca dhaxe | Sergio Ramos

Daafaca ugu weyn tariikhda Real Madrid ugu fiicnaa ayaa lagu tilmaama,waana mid hadda ku jira shaxda isku dara labada koox ugu wanaagsan.

Khadka dhaxe | Luka Modric

Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Real Madrid xilli ciyaareedkan ayaa lagu tilmaamaa, Yaya Toure ayuuna ku qasbay inuu ka baxo booskan, waana mid la dagaalami kara Fernando iyo Fabian Delph.

Khadka dhaxe | Casemiro

Kalsoonida uu ka helay Real Madrid, ciyaaryahanka da’da yar ayaa keentay inuu si joogta ah ugu ciyaara koxda qeybta dambe ee xili ciyaaredkaan oo dhan.

Garabka Midig | Gareth Bale

Xiddiga ugu qalisan adduunka ayaa booskaan ka riixday Jesus Navas, oo ah mid ka mid ah xiddigaha ugu liita xili ciyaaredkaan kooxda City.

Kubadsameeyaha | Kevin de Bruyne

Waa Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu farxada badan Europe uguna wanaagsan , isagoo rikoorka fiican ka sameeyay City tan iyo markii uu kusoo biiray. Inkastoo laba bilood dhawac ah uu ku maqnaa haddana waxaa uu dib ugu soo laabtay bandhigiisii ugu fiicnaa isagoo caawa idhaha u badani ee caalamku hayaan caawa.

Garabka bidix | CRISTIANO RONALDO

Waa dhaliyaha ugu sareeya tartankaan ,kasoo dhaliyay 16 gool,waana mid kamid ah ciyaartooyda ugu awooda badan adduunka.

weeraryahanka | Sergio Aguero

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa dhawaan dhaliyay goolashisii 100aad iyo 101st ee Premier League – isagoo ku gaaray kaliya 148 kulan – waana rikoor aad u fiican.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

 

COMMENTS
Latest News